Buuqashada Wasiir Samsam Ee Dekeda Berbera Wax Ma Katari Doontaa Xaalada Adeeg Ee Dekeda Berbera?

0
1331

Berbera, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo.SamSam Cabdi Aadan ayaa habeenimadii xalay Buuqatay Dekeda Magaalada.

Berbera, si ay ugu kuur gasho xaalada dhaqdhaqaaq ee Dekeda oo maalmihii ugu dambaysay laga dayrinayey. buuqashada Wasiir Samsam ayaa sida laga warqabo ah mid ay ugu kuur galayso xaalada dekeda iyo shaqadii oo cakirnayd maalmihii ugu dambeeyey, xili ay ganacsataduna warqad cabasho ah oo ay kaga dayriyeen shaqada dekeda oo xanibaad iyo kadeed kala kulmeen Muddooyinkii ugu dambeeyey.

Wasiir Samsam ayaana uu safarka ku wehelinayey agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Saleebaan Siciid Cali, iyo  Guddoomiyaha gobolka Saaxil.  Agaasimaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaana halkaasi ka warbixiyey shaqada dekeda iyo nidaamka cashuuraha Dekeda ee ku waajibay dadka alaabaha kasoo roganaya. Wasiir Samzam ayaana qudheedu ka hadashay, iyadoo uga mahad naqday shaqaalaha cashuuraha iyo kuwo dekedaba hawlaha ay qaranka u hayaan.

si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda Wasiir Zamsam ayaana sheegin waxqabadka iyo talaabooyinka ay xukuumad ahaan ku waajihi doonaan xaalada dekeda, kadib Buuqasahadan ay ugu kuurgashay xalaada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here