Murrashax Muuse Biixi iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Bariga Caasimadda Hargeysa + SAWIRRO

0
1115

Hargaysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax ee Bariga magaalada Hargeysa, waxana halkaas maanta ku qaabilay kumanaan katirsan shacabka degmooyinkan ku nool oo muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay muddo laba Toddobaad ah ugu maqnaayeen gobollada bari ee dalka, ayaa lagu qaabilay waddada halbwlaha ee magaalada Hargeysa dhinaca bari uga baxda, waxana weftigu soo dhaweyn diirran kala kulmeen shacab xisbiga u heellan, kuwaas oo waddooyinka isugu soo baxay si ay u muujiyaan taageerada ay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa u muujiyaan.

Murrashax Muuse Biixi, ayaa badhtamaha xaafadda Axmed Macallin Haaruun kaga degay baabuurkiisa, waxana uu gacan qaaday kumanaan shacab ah oo halkaas isugu soo baxay taageerada KULMIYE, isaga waji farxad iyo dhoollacadayni ka muuqato ku muujiyey sida uu ula dhacsan yahay taageerada ay shacabka degmoooyinkani muujiyeen.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyaan siyaasiyiin weftigiisa kamid ah, madax-dhaqameed iyo wasiirro xukuumadda katirsan, ayaa dhex lugeeyey taageerayaal tiro badan oo dariiqa safaf dhaadheer kaga jirey, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku leeyahay degmooyinka Axmed Macallin Haauun iyo Gacan-libaax, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa usoo gelbiyey hoyga uu ka deggen yahay caasimadda Hargeysa, waxana halkaas si gaar ah ugu soo dhaweeyey masuuliyiin xisbiga katirsan, haween iyo xubno dhallinyaro ah oo caan ku ah taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY