Maayirka Caasimada Hargeysa oo Maanta Kadis Ku Tagay Goob ka mida Meelahuu Ka Maayirka Dhalinyaranimada Ku Qaadan jiray + SAWIRRO

0
1167

Hargaysa, (HargeisaPress) —Maayirka Caasimada Hargaysa ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Somaliland, ayaa Maanta Abaaro 1:oo Duhurnimo Booqday Goob Makhaayadihii uu fadhiisan jiray wakhtigii uu Dhalinyarnimada ahaa ee uu kula Sheekaysan jiray Dhalinyarada .

Goobtan uu Maayir Soltelco Maanta Booqashada Kadiskaa Ku tagay oo Ku taala Xaafada Goljano ee Degmada 26june isagoo halkaasi kula kulmay Dhalinyaro ka mida kuwii sida weyn uga qayb galay Soo Bixistiisa iyadoo Dhalinyaradu ay u Riyaaqeen Booqashada Kadiskaa ee Maayirku igu tagay kuna soo dhaweeyay Gacmo furan iyo Qalbisan.

Maayirka Caasimada Hargaysa Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa dhalinyarada Ku waaniyay inay wakhtiga ka Faa,iideystaan oo ay ka Qayb galaan Horumarinta Dalka doorkoodna ay ka Qaataan Horumarka.

Maayir Soolteeko ayaa Sidoo kale Dhalinyarada ka Wacyi galiyay isticmaalka Balwadaha .

Isku soo wada duuboo Maayir Soltelco ayaa Noqonaaya Masuulkii ugu horeeyay ee Booqda Goobahii uu Joogi jiray ka Hore intaan Xilka Qaranka qaban islamarkaana Waa Maayirkii Taariikhda Somaliland si Kadisa Ku taga Meelahii uu Codka ka Helay wakhtigii Doorashada ee Xasuusta Dadkii Safafka u galay Doorashadiisa.

Mustafe Axmed Maxamuud(Herer)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here