Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Kulan Lagu Dardar Galinayo Hawlaha Xisbiga Kulmiye La Qaatay Aqoonyahanka Iyo Dhalinyaradda Gobolka Awdal + SAWIRRO

0
1220

Borama, (HargeisaPress) —Wasiirka Warshadaha Somaliland Mudane Shacayb Maxamed Muuse oo Safar Shaqo Ku Jooga Gobolka Awdal Magaalo Madaxdiisa Boorama Ayaa Kulamo Gooni gooni ah la Qaatay Waxgaradka Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarta Gobolka Awdal.

Shir Saacado badan Qaatay Oo ay Wada Qaateen Wasiirka iyo dhalinyarta Aqoonyahanka Ah Magaalada Boorama Ayaa Ay Kagaga Wadahadleen Sidii Loo Dardargalin lahaa  Dhismaha iyo Taageerada Musharaxiinta Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye  Musharaxa U Tartamaya Jagada  Madaxweynenimo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Musharax Ku Xigeenka C/raxmaan Ismaaciil Saylici.

Waxaana Wasiirku haddal dheer Oo uu ka Jeediyey Madashan Uu dhalinyarta iyo Aqoonyahanka Kula Dardaarmay sidii looga Wada shaqayn lahaa isku Xidhka Dhalinyarada Gobolka Gabiley iyo Gobolka Awdal oo sida Uu Sheegay isaga iyo maayirkii Hore Magaalada Boorama Mr Saleebaan Xaddi Sidan Oo kale Ay u sameeyeen Shirar Noocan Oo kale Ah oo lagu Xoojinayo kobcinta iyo isku xidhka aqoonyahan wakhtigii uu Wasiirku ahaa Maayirka Magaalada Gabiley oo labada Maayir Ay Ka wada Shaqayn Jireen Arrimahaasi.

Waxaana Wasiirku ku Dheeraaday In Mustaqbalka Qaranka iyo Dalka jiilka la Doonayo in Ay Noqdaan Hogaanku yihiin Dhalinyarta Aqoonyahanka ah ee dalka islamarkaana aan lays dhigan ee dadaal loo galo sidii shaqsi walbaaba dhinaciisa uga foojignaan lahaa,

Waxaana Uu Sheegay in Xisbiyada Iyo Tartanka Musharaxiinta Cidda Ay Doonayaan In Ay Codadkooda Ku kala badiyaan Ay yihiin Dhalinyarta aqoonyahanka dalka,

Waxana Intaa Uu Ku daray in Muwaadin kasta oo Qaranka Somaliland Lexeclo kalihi uu Arkayo isbedel iyo horumarka Ka Tisqaaday Dalka Marka isbarbar dhig lagu sameeyo toban sano ka hor iyo maanta oo aynu joogno 2017 waxaan Cidna Dafirikarin Xukuumada Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye Oo hayaan Dheer iyo himilo dheer usoo Galay dhismaha Qarankani in Taariikhdu Xusidoonto, Maantana Waxaa lagu Dooranayaa Kulmiye Maaha Qabyaalad iyo reero ee Waa Waxqabadka  iyo Horumarinta Qarankan iyo Shacabkiisa iyo Sidii Loo Sii Dhammaystiri lahaa Qorshaha Qaranka ee uu Madaxweyne Axmed maxamuud Siilaanyo Seeska u Dhigay Muusena Maanta Waxaa uu Doonayo in lagu Doortaa Waa Himilo iyo horusocod Shacab iyo Qaranba la hiigsado waddamada horumaray.

Waxaana Sidoo kale Halkaasi hadalo kasoo jeediyey Qaar kamida Aqoonyahankan Ay Wada Qaateen kulanka Oo Ka Sheekeeyey Sidii Layskugu Xidhilahaa Dhalinyarta Loogana Diyaar garoobi lahaa Wakhtiga Dhaw ee Doorashada La Filayo.Si loo helo aqoonyahan firfircoon oo si isku xidhnaan ah u Wada hawlgala.

Kulankan Wasiirka Warshadaha iyo Aqoonyahanka iyo Dhalinyarta Gobolka Awdal Ayaa Kusoo dhammaaday Is Afgarad iyo u midowga Danta Qaranka iyo Sidii looga Midho dhalinlahaa Guusha Xisbul Xaakimka Kulmiye.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY