Guddoomiyaha KULMIYE oo Noqday Murrashaxii u Horreeyey ee Cagaha Dhiga Magaalada Hadaaftimo ee Bariga Somaliland oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyey + SAWIRRO

0
1536

HADAAFTIMO , (HargeisaPress) —Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqday murrashax Madaxweyne kii u horreeyey gaadha deegaanka Hadaaftimo oo hoos tagta Gobolka Badhan ee bariga Somaliland, isla markaana ah guriga taariikhda saldannada Somaliland.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo ku guda jira socdaal la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashada gobollada Sanaag iyo Sool, ayaa maanta ka hillaacay magaalada taariikhiga ah ee Hadaaftimo oo qiyaastii 90KM bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaas oo si aad u ballaadhan loogu soo dhaweeyey.

Booqashada weftiga Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ee Hadaaftinimo oo ka dambeeyey casuumad rasmi ah oo uu u fidiyey Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire, waxa Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda oo qayb ka ah weftiga, masuuliyiin iyo siyaasiyiin kaleba kala kulmeen deegaankaasi soo dhawayn farxad galisay iyo hadhimo-sharafeed lagu maamuusay.

 

Soo dhawayn aanay u kala hadhin dadweynaha deegaannada Hadaaftimo oo ay kumanaan qof oo rag iyo dumar ahi isugu soo baxeen meel qiyaastii masaafo dhan 5KM ka baxsan Hadaaftimo iyo ilaa dariiqyada gudaha magaalada, kuwaasoo iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE soo bandhigay taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka iyo xukuumaddiisa si qiimo badana u qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE, kadibna u galbiyey madaxda goob fagaare ah loo diyaariyey in lagala hadlo dadweynaha reer Hadaaftimo.

Suldaanka guud ee deegaannada bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Sul. Cali Shire iyo Oday Sheekh Axmed Sheekh Saalax oo ka mid ahaa odayaashii horumoodka ka ahaa shirarkii lagu aasaasay Qaranimada Somaliland iyo kuwii nabadaynta, ayaa hadallo ay madasha ka jeediyeen si milgo iyo sharaf leh ugu soo dhaweeyey Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa, waxaanay halkaasi ka caddeeyeen taageerada ay u hayaan inuu noqdo madaxweynaha beddeli doona Madaxweynaha hadda xilka haya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan oo taabanaysa dhinacyo kala duwan sida nabadgalyada, horumarka, doorashooyinka, wax-wadaqabsiga iyo arrimo kale u jeediyey bulsho-waynta deegaanka Hadaaftimo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY