Gaadiidkii Itoobiya Ee Raashinka Caawimada Ah Ka Qaadi Jirey Dekeda Berbera Oo Go’aan Ku Gaadhay In Ay Dalkoodii Iskaga Laabtaan Iyaga Oo Madhan+Maamulka Gobolka Saaxil Oo La Hadlay + SAWIRRO

0
1330

Berbera , (HargeisaPress) —Kudhawaad 200 (Laba Boqol) oo baabuur oo dalka Itoobiya laga leeyahay ayaa Berbera mudo labaatan maalmood ah ujooga rarkii ay dekeda Berbera ka qaadi lahaayeen oo xaniban.

Wadayaasha iyo masuuliyiinta Shirkadaha Gaadiidka Itoobiyanka ah ayaa saaka subaxnimadii hore go,aan ku gaadhay inay gaadiidkooda ku celiyaan dalka Itoobiya oo ay hore uga yimaadeen maadama oo mudo 20 maalmood ah ay sugayaan in loo soo xidho markabkii raashinkay qaadi lahaayeen siday oo badda Berbera taagan,Maamulka Dekeda Berbera ee Shirkada DP World-na soo xidhi weyday iyada oo sabab looga dhigayo Dekedii oo maraakiib iyo culays badeecadeed ka buuxo si looga saarana la garan layahay.

Masuuliyiinta shirkadaha gaadiidka Itoobiyanka ah Iyo darawaliinta Gaadiidka wada oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Itoobiya ayaa ku andacoonaya inay mudo dhaaf tahay joogitaanka ay Berbera joogaan oo ku dhaw 20 maalmood iyaga oo sheegay inay masaariiftii iyo sahaydii ka goday gaadiidkoodiina bilaa shaqo cidla u taaganyahay.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa saaka ku qanciyay masuuliyiinta shirkadaha gaadiidka itoobiyanka ah iyo wadayaasha gaadiidka ee Ku xereysan Xerada Taar dheer ee Berbera inay Maanta uun sugaan oo la rajaynayo in Marakabkoodii loosoo xidho.

Xaalada dekeda Berbera ayaa todobaadyadii udanbeeyay cakiran,iyada oo dekediina ay buux dhaafiyeen Koontaynaro badeecado ka buuxaan,lana layahay wax dekeda kasoo saara kadib markii qalabkii rarka iyo rogida ee fekeda Berbera dhamaantood u wada fadhiisteen cilado farsamo ,iyada oo aanay shirkada DP World ee dekeda laga kireeyayna keenin wax qalab ah oo cusub oo fududeeya hawlaha shaqada dekeda.

Sidoo kale wasiirada maaliyada, Ganacsiga iyo arimaha Dibedda oo xaalada Cakiran ee Dekeda Berbera U yimi Berbera ayaan ilaa hada wax xala Ka gadhin cabashada ganacsatada Somaliland iyo kuwa gaadiidka Itoobiya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY