Jaamacada ADMAS Oo Safar Dalxiis Ku Gaysay Buurta Gacan Libaax Ardayda Sanadkani Ka Qalin-jabinaysa + SAWIRRO

0
1479

Hargaysa , (HargeisaPress) —Safar Dal,barasho iyo aqoon korodhsi ah oo ay jaamacadda caalamiga ah ee ADMAS ku gaysay ardayda sanadkan ka qalin jabinaysa jaamacadda buurta bilicda san ee Gacan-libaax , safarkan oo ah mid sanad leh ah kaasi oo inta badan ay ardayda jaamacadda ka qalinjabinaysa ay tagaan qaybo ka mid ah dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska,Safar kani oo qaatay mudo saaacada ah ayaa waxa ay ardaydu ahayd mid kala faaiidaysata aqoon,madadaalo,kaftan,sheekooyin waaya aragnimo ku dhisan kuwaasi oo badi ka helay jawiga iyo hanaanka safarkani ay ugu baxeen buurta dalxiiska ee Gacan-Libaax.

Jaamacadda caalamiga ah ee ADMAS oo ka mid ah hormuudka jaamacaddaha dalka ayaa la talaabsatay jaamacaddaha dhigeeda ah ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah mandaqadan aynu ku noolnahay, taasi oo ka dhigtay jaamacadda kaliya aan lagu baran aqoon balse soo kordhisay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii ay ardaydu u baran lahayd dhulkooga hooyo, qaban qaabada safarkani oo uu lahaa xafiiska  arimaha ardayda (Student Affairs ) oo inta badan ka hawlgala sidii ay ardaydu  u noqon lahayeen kuwo horumara lana talaabsada dhigooda kale.

Ugu horayn waxa uu safarkani ka bilaabmay magaalada hargeisa waxaanu ahaa mid arooryadaasi dhamaan ardayda tagaysa safarkani ay la dhacsanayeen goobtaasi la tagay, Cabaaro 8:00 AM subax nimo saacada geeska afrika ayaa laga amba-baxay magaalada hargeysa kaasi oo safarku u jihaysnaa buurta bilicda san ee Gacan-Libaax.

Deegaano badan oo la sii maray ayaa waxa ka mid ahaa Awbarkhadle,Diinqal,Geedka-Dheenta,Dhubato,Gadhka-Warsame xaad,Dilinbaro  halkaasi oo markii danbe dhamaan ardayda iyo masuuliyiintii kale ee ka mid ahayd safarku ay qadada ku lahayeen Deegaanka Goda-weyn oo buurta Gacan-Libaax ka mid ah halkaasi oo qado kadib dhamaan loo soo jihaystay buurta Gacan-Libaax oo ahayd goob aad u qurux badan ayna la dheceen dhamaan dadkii ka mid ka ahaa safarka waxana goobtaasi lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedyo,hal xidhaalayaal,madadaalo,kaftan iyo waliba indho indhayn ay dhamaan ardaydu soo eegeen qaybo ka mid ah buurta Gacan-Libaax.

Ugu danbayntii dhamaan ardayii safarka ku tagtay iyo masuulyiintii kale ee ka tirsanaa hawl wadeenada jaamacadda oo nabad qab ku soo guryo noqday magaalada Hargeysa halkaasi oo dhamaan markii hore ay ka amba baxeen ardayda iyo masuuliyiinta kale ee dalxiiska ku tagay buurta bilicda san ee Gacan-Libaax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here