Wasiirka Duulista Somaliland oo Dhaliilay Habdhaqanka Siyaasadeed ee Xisbiga Wadani

0
1202
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe

“xisbiyada mucaaradka ahi barmaamij marka ay samaystaan kaas uun bay raaci jireen dabadeed wixii barmaamijkooda ugu jira uun bay ka hadli jireen laakiin waxa aad moodaa imika in ay qaar ku dayoobeen oo ay ka hadlayaan waxaan barmaamijkoodaba ku jirin” Wasiirka Duuista

Hargaysa , (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe ayaa dhaliilay Xisbiyada Mucaaridka hab siyaasadeedkooda, oo uu ku tilmaamay in ay bulshada u sheegayaan waxaan ku cadayan buugooda siyaada.

Wasiirku waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilo uu sheegay in ay mucaaridka Wadni u soo jeediyeen, isaga oo sheegay in ay ku dhaliilen xidhnaanshaha Madaarka Ceerigaabo, waxaana uu yidhi:-“  “waxaan warbaahinta ka maqlay qolo xisbiga wadani ah oo booqday Madaarka Ceerigaabo oo ka hadlaayay Madaarka iyo hawlihiisa dee xisbiyada mucaaradka ahi barmaamij marka ay samaystaan kaas uun bay raaci jireen dabadeed wixii barmaamijkooda ugu jira uun bay ka hadli jireen laakiin waxa aad moodaa imika in ay qaar ku dayoobeen oo ay ka hadlayaan waxaan barmaamijkoodaba ku jirin”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi:-  “waxaan ka wasaarad ahaan sheegayaa in Madaarka Burco Madaarka Ceerigaabo, ka Boorama ka Burco hada wuu socdaa ka Ceerigaabo iyo Boorame in laga shaqeeyo wixii awoodu inoo saamaxday ka Laasacaanood laftiisu hada waa shaqeeyaa waxyaabaha saameeyay waxa kamida duruufta dhaqaale abaaraha sixir bararka waxyaabahaas ayaa miisaaniyadeenii saameeyay boqolkiiba 40% ayaa miisaaniyadeenii sanadka is dhimay taasi waxay keentay in madaxwaynuhu go,aan soo saaro ah in la hakiyo waxyaabihii mashaariicda ahaayoo dhan waa sababta hakisay waxaanan rajaynayaa in mudada noo hadhay hadii ay suurto gasho in wixi daruuri ah laga qabto taasi waxa weeye inaanay dayacaadi jirin ku talo galka qorshahawasaaradana ay ku jirto. Laakiin waxaan leeyahay qolyaha mucaaradka ah hadii aad dacaayad ka dhiganaysaan waar waxaad qabanaysaan ee aad barmaamij siyaasadeedka ka dhigateen ka hadla kolba inta aad gidaar istaagtaan ha odhanina kan iyo kan ciidamada ayaanu mushahar u kordhinaynaa waar waxaad qaadi karaysaan oo dadku idinka aqbalo ka hadla.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY