Wararkii ugu danbeeyay doorashada dalka Kenya

0
1542

NAIROBI, (HargeisaPress) —Madaxweynaha xiligan ee dalka Kenya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo dhinaca kale sheegay in uu aqbali doono natiijada doorashada marka laga dhawaaqo.

Dhinaca kale ee mucaaradka ayuu ugu baaqay in ay sidaa oo kale sameeyaan si loo helo Kenya horay u socta.

Waxaa la soo gabagabeeyay codbixintii waxaana socta tirinta codadka oo lagu wado in ay soo gaarto ilaa caawa saqdhexe oo siweyn loogu dhag taagayo natiijada soo bixin doonta, balse waxaa la sheegay in codadka la tirinayo ay ugu horeeyaan xildhibaannada.

Raila Odinga ayaa kula balamay taageerayaashiisa ”Fagaaraha Uhuru’ halkaa oo ay ku sugi doonaan natiijada doorashada, waxaana uu taageerayaashiisa ugu laab qaboojiyay in ay guuleysan doonaan.

Qeybta ugu xiisaha badan ee doorashada ayaa ah tan madaxweynaha oo ku tartamayaan ilaa Sideed musharax, waana Imtixaan weyn oo hor yaala guud ahaanba shacabka reer Kenya, madaama maanka lagu hayo qalalaasihii galaaftay nolasha 1,100 ruux sanadkii 2007, kaddib natiijo doorasho oo lagu murmay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here