Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska Oo Soo Dhaweeyey + SAWIRRO

0
1334

Hargeysa,(HargeisaPress) —Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Imaan oo mudooyinkii u danbeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaana taliye Fadal uu mudooyinkii u danbeeyey xaaladd caafimaad u joogay wadanka Imaaraadka Carabta,isaga oo saakana magaalada Hargeysa dib ugu soo guryo noqday.

Taliye Cabdilaahi Fadal Imaan waxa madaarka Hargeysa kusoo dhaweeyey saraakiisha ciidamada Booliska Somaliland ee kala duwan iyo bulsho kale.

Waxaana taliye Fadal uu ka hadlay xaaladiisa caafimaad oo uu sheegay inay tahay mid taama,isaga oo una mahadceliyey cid kaste oo kasoo qayb gashay soodhawayn loo sameeyey.

LEAVE A REPLY