Marwo Edna Aden Oo Shacabka Ka Codsatay Inay Ku Garab-istaagaan Xilka Loo Magacaabay –

0
1463
‘It’s not about the money, it’s about what we do with the money,’ says Edna Adan Photograph: Alicia Canter for the Guardian

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ergayga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Siilaanyo Edna Aadan Ismaacil ayaa jeedisay khudbadii ugu horaysay oo ay ku codsanaynso in lagu garab istaago dardar galinta halitaanka waxay Somaliland xaqa u leedahay.

Marwo Edna Aadan Ismaacil ayaa shacabiga Somaliland ka codsatay inay qaranimada Somaliland ka midoobaan oo ay wada difaacdaan. Edna Aadan waxa ay sidan ka sheegtay carwadii loo qabtay jaamacadaha dalka oo lagu soo marti qaaday waxaana iyada oo arimahan ka hadlaysay ay tidhi “Waxa sharaf weyn ii ah in dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo oo aanu isku arday ahayn uu xil culus ii magacaabay oo ah xidhidhiyaha wada hadalada dalkeena Somaliland iyo dalka aynu jeerka nahay ee Somaliya, waxa laga yaabaa in dad aan fikirayn ay yidhaahdaan gabadhaasi dhex dhexaad maaha oo Somaliland aad ayay u jeceshahay, hadaanan Somaliland jeclayn ma ka qaybgali kari lahaa ka layga horkeeni doonaa haddii aanu dalkiisa jeclayn oo aanu diyaar u ahayn inuu difaaco isba laygama horkeeneen, waxaan ku galayaa xilkaas lay magacaabay aniga oo aad iyo aad u khushuucsan, waxaan ku galayaa ixtiraamka dalkayga iyo umadayda Somaliland, waxaan ku galayaa kalgacayl iyo ixtiraamka diintayda islaamka, waxaan ku galayaa ixtiraamka iyo u hogaansanaanta xeerka adduunka, gardaro wax inoogu raadin maayo, gardarana wax laygaga qaadi maayo, dalkaygan Somaliland cidna hadyad u siin mayno,dalkeena Somaliland xaq weyn ayuu leeyahay.”

Adna Aadna oo hadalkeeda sii wadaa waxay tidhi”Waxaan anigu qabaa qofka layga horkeeni doono inaan ka nasiib badnahay, waxaan u arkaa in inaga uu xaqu inala jiro, waxaan doonayaa inaan idinla dardaarmo in aydaan marnaba iga shakiyin, dadnimadayda ha ka shakiyina, daacadnimadayda ha ka shakiyina, waa inaad igu  taageertaan oo aad igu taageertaan talaabooyin wanaagsan oo aan tuso adduunka oo aan ka sheego dalkayga Somaliland, waxaynu nahay dal jirayaal, safiiro ayaynu wada nahay, waxaynu difaacaynaa dalkeena oo aynu wanaag ku difaacaynaa.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here