Telefishanka CNN Oo Warbixin Ka Diyaariyay Heshiiska Dp World Ee Dekedda Berbera

0
1671
Loading a cargo ship in the Port of Berbera in Somaliland, which is about to receive a major overhaul.

Hargeysa (HargeisaPress) —Telefishanka CNN ee caalamiga ah ayaa warbixin ka diyaariyay heshiiska maalgashi ee Somaliland iyo DP world.

Warbixintan waxa lagu sheegay in qaranka aan la aqoonsan ee Somaliland uu ku guulaystay inuu hantiyo maalgashigii ugu balaadhnaa ee shisheeye.

Shirkadda DP world ee xarunteedu tahay Dubai ayaa dekedda Berbera ku maalgashan doonta $442 Milyan dollar, iyagoo samayn doona isbedelo cusub.

“DP World waxay gashay heshiis ah inay maamusho dekedda 30 sannadood.” ayay tidhi qormada CNN.

Warbixintu waxay sheegay in heshiiskani dawladda Somaliland fursad u siinayo inay tartan la gasho dalka Djibouti ee caanka ku ah dekedaha.

Telefishanku wuxuu sheegay, inkastoo ay Somaliland hirgelisay degenaansho amni islamarkaana ay qabatay doorashoyin xor ah, haddana inaanu jirin dal u aqoonsaday qaran ahaan, waxaanu intaas raaciyay, “Beesha caalamku waxay ahmiyada siiyeen horumarka in Somaliya noqoto dal midaysan.” ayay warbixintu tidhi, laakiin heshiiska DP world ayaa Somaliland soo gelinaya saaxadda dunida.

Shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland ayay warbixinta CNN ku sheegtay 60%, iyadoo ay sanadkan Somaliland haleeshay abaartii ugu xumayd.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo warbixinta lagu soo xigtay ayaa aaminsan in maalgashigan lagu sameeyay dekedda Berbera uu xoojin doono ku xidhnaanta guud ahaan Afrika, gaar ahaan Itoobiya, “Waa yara deg deg haddii la yidhaahdo maalgashigu waa mid togan. Laakiin waxaan ku kalsoonahay inuu yahay talaabo hore loo qaaday.” ayuu yidhi Mr. Jaamac.

Laakiin warbixinta CNN ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi ah in dhulka Berbera ee ku teedsan dekeddu uu gacanta u galo ganacsato tujaar ah. Agaasimaha telefishanka Star Mr. Maxamed Aaden Xasan ayaa sheegay in muuqaalka Berbera uu guud ahaan isbedeli doono, “Muuqaalka Berbera gebi ahaanba wuu isbedeli doonaa.” ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay, “Waxaa durba muuqda calaamado muujinaya in ay si isa soo taraysa u noqonayso halbawle.”

Agaasimaha guud ee DP world Sultan Axmed Bin Sulayman ayaa warbixinta ka muuqda, waxaanu odhanayaa, “Geeska Afrika waa gobal aad u koraya.”, waxaanu intaas raaciyay in  DP world Berbera ay dhisayso koritaanka dhaqaalaha iyo ganacsiga gobalka.

Maqaalkan CNN baahisay ayaa lagu shegay in dekedda Berbera fursad u haysato inay hantido suuqa Itoobiya oo ah dal bilaa deked ah oo 90% ku tiirsan dekedda Djibouti, “Dawladda Somaliland waxay sheegatay inay Itoobiya kula heshiisay inay qaadato 19% ah saamiga dekedda, taas oo keeni doonta faa’iido laba geesood ah.” ayay tidhi warbixinta CNN.

Laura Hammond oo ka tirsan machadka School of Oriental and African Studies (SOAS) ee dalka Ingiriiska ayaa aaminsan in heshiiskani faa’iido u yahay Somaliland iyo Itoobiya labadaba, waxaan sarkaalka machadkan ka tirsani sheegay in Itoobiya imikaba sii bilowday hirgelinta jidka u dhexeeya xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ugu dambayn waxa warbixinta telefishanka CNN sheegay in Somaliland dhinaceeda ay heshiiska DP world iyo Itoobiya ka heli doonto saaxiib awood leh, iyadoo Itoobiya ka mid ah dalalka Afrika ee sida xawliga ah dhaqaalahoodu u korayo, islamarkaana ah xarunta Midogga Afrika.

LEAVE A REPLY