“Qofku isagoo fadhiya gurigiisa ayuu kelmad wanaagsan oo baraha bulshada Facebook, Whatsup geliyo ku hanuunin karaa boqolaal kun oo qof…”Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

0
997
Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

Qofka suxufiga ah ee wax qoraya ama kelmadaha culimada sii faafinaya, ee awoodii Ilaahay siiyey uga faa’iidaynaya ummada way anfaci doontaa.

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa cadeeyey hadii qofku waxba ku wacdiyi waayo, xafiiska, goobta ganasiga, tolka, iyo reerkaaga, waxuu noqonayaa qof aan naftiisa & diintiisa ku kalsoonayn, Ilaahayna wuu weydiinayaa aakhiro.

Qeybtii labaad ee khudabadii Sheekh Maxamed oo hore kaga hadlayey waajibaadka in diinta islaamka la faafiyo iyo faa’iidooyinka ayuu ku bilaabay:

“In xikmada iyo waanada diinta islaamka dadka lla gaadhsiiyo waa waajib, taasoo sirta ku jirta tahay in dadku ku hanuunaan Ilaahay iyo diintiisa. Dariiqii cibaadada ahaa ee loo abuuray.

Agabka wakhtigan lagu baahiyo wararka iyo wax walba sidii hore way ka duwan tahay, kana casriyeysan tahay, qofkii shark u baahiya iyo qofkii khayr ku baahiyaba, ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Qofkii khayr ku baahiya aduun iyo aakhiraba wuu u aayi, Ilaahay agtiisana amaan ayuu kaga heli. Qofku isagoo fadhiya ayuu kelmad wanaagsan oo baraha bulshada uu geliyo facebook, whatsup ku hanuunin karaa boqolaal kun oo qof, ama uu telefishahanada uga sheegayo dadka is-caayaya, oo ku deminayo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qofka suxufiga ah ee wax qoraya ama kelmadaha culimada sii faafinaya, ee awoodii Ilaahay siiyey uga faa’iidaynaya ummada u aayi doono, waxaanu yidhi,

“Ummadaha samaystay aaladaha internet-ka, in badan oo ka mid ah hadafkoodu waa inay ummada ku haleeyaan, laakiin, waa inaynu ku dedaalaa inaynu ku hanuunino dadka. Qofka suxufiga ah ee wax qoraya ama kelmadaha culimada sii faafinaya, ee awoodii Ilaahay siiyey uga faa’iidaynaya ummada way anfaci doontaa.

Sheekh Maxamed ayaa cadeeyey in mar kastoo wacdiga diintu ku bato ummad, ka hortago kuwa xumaanta jecel, marka qof walba shaqadiisa ku foognaado, ee la yidhaahdo culimada ayaa wacdiga sheegi doonta, dadku si yar ayuu ku baaba’ayaa ayuu sheegay, isagoo yidhi,

“Waa in la helo balaayo kastoo la sheego, ciddi kheyr ku burburin lahayd.

“Qof walba waa inuu isku dayo siduu Ilaahay hortiisa iyo aakhiro markuu tago, diinta islaamka waxuu u qabtay, ee dadka wada isku garab-taagay, xoogiisana ku bixiyey, xoolahiisa ku bixiyey, aqoontiisa, iyo agabkiisa ku bixiyey.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in hadafka faafinta diinta islaamka qof walba hamigiisa geliyo, maadama fikirka markaad xambaarsan tahay ee niyadaada ku jiro iyo marka kale kala duwan tahay, waxanu isku baraarujinaynaa in qaadida hamigaasi tahay shaqo inoo taal.  Hadii qofku waxba ku  wacdiyi waayo, xafiiska, goobta ganasiga, tolka, iyo reerkaaga, waxuu noqonayaa qof aan naftiisa & diintiisa ku kalsoonayn, Ilaahayna wuu weydiinayaa aakhiro.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here