“Reer Gabileyoow; Gobannimada Aad Samayseen Gabdhihiinu Way Ku Meel-Marayaan, Abaalna Waxa Idiinku Haya Bari Oo Dhan” – Wasiir Cukuse

0
1041
Wasiirka Wasaaradda xanaannada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Gebiley , (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda xanaannada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shacbiga reer Gabiley ku tilmaamay kuwo tacab badan ay xukuumaddu gelisay, isla markaana laga sugayo in ay tacabkaas muujiyaan, isaga oo ku tilmaamay in muddooyinkii udembeeyey uu horumar ballaadhani ka socday deegaannada gobolka Gabiley.

“Intaanan gelin ujeedada aanu u nimi Gabiley oo wasiirka madaxtooyadu ka hadli doono, waxaan reer Gabiley uga mahad naqaynaa gobannimadii iyo sharaftii ay sameeyeen ee ay ku qaabileen dadkii abaartu dabada ka waday mudada dheer”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirka xanaannada xoolaha somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir [Cukuse] oo  kamid ahaa wefti xukuumadda ka tirsan oomaalintii shalay socdal ku tegey xarunta gobolka Gabiley ee Gabiley, halkaas oo ay xukuumaddu mashaariic ka soo fulisay. Xaflad ay shacbiga gobolkaasi ku qaabileen weftiga oo xubnihii ka hadlay uu Wasiir Cukuse kamid ahaa ayaa kasokow mahadnaqaas waxaa uu sheegay in indhaha reer Somaliland ay soo eegayaan horumarka ka socda gobolka Gabiley muddadii ay xukuumadda KULMIYE xilka haysay, taasoo dhalisay bu yidhi in lagu hal qabsado. Khudbada Wasiir Cukuse oo ay dhextaal u ahaayeen ereyo kaftan ah oo aad loogu sacab tumay waxaa uu ku sheegay in abaal loogu hayo sidii ay u qaabileen dadkii abaaraysnaa ee kasoo hayaamay deegaannada Bariga Somaliland “Gobolka Gabiley iyo gobolka Awdal oo ay degmada Dili u badnayd waxaanu uga mahadnaqaynaa sida ay u qaabileen dadkii abaaraysnaa, abaalkaasna waxaa idiin haya bari oo dhan gobanimona waad muujiseen Gabdhihiinuna way ku meel marayaan.

Mid labaadna waxaa weeye oo illaahay aynu ugu mahadnaqaynaa in gobolka Gabiley uu in muddo ahba horumar weyni kasocday. Anigu waxaan shalay [Dorraad] joogay degmada Balli-mataan, markaan dhiirigelinayay waxaan ku idhi Illaahay Gabiley oo kale ha idinka dhigo oo horumarka ay gaadhay oo kale ha idin gaadhsiiyo, annaguna waanu idinla dadaalaynaa. Laakiin [reer Gabileyoow] waxaad ogaataan dawladda KULMIYE intay haysay meello badan ayaa dhinaciina sidaas u soo eegayay oo waxaa la lahaa uun wasiirkii madaxtooyadu xagguu ku maqan yahay?, Gabiley, wasiirkii Maalliyaduna Gabiley, Marwaduna Gabiley,markaa tacab badan baa idinku maqan, tacabkiina waa la idinka sugayaa, aniguna abaartii dhawayd baan ogaaday inaad gobonnimo leedihiin”. Ayuu wasiirka xannaanada xooluhu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY