Madaxwayne Siilaanyo Oo Muddo 28 Cisho Ah Kadib Bari Jimcaha Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya

0
1483
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo oo muddo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in maalinka barri ah oo Jimce ah dalka dib ugu soo laabto.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa safar gaar ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta muddo dhan 28 cisho,waxaana madaxwayne Siilaanyo markii uu ka dhoofayey madaarka Hargeysa ay xukuumadiisu sheegtay in madaxwaynuhu safar maalmo tobaneeyo cisho ah qaadanaya oo gaar ah uu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta,balse safarka madaxwayne Siilaanyo ayaa qaatay muddo 28 cisho ah.

Madaxwayne Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici PHOTO FILE

Waxaaa soo if baxay warar sheegay in madaxwayne Siilaanyo ku xanuunsanayo dalka Imaaraadka Carabta,taas ayaa waxa ka jawaabtay madaxtooyada Somaliland,iyaga oo sheegay in madaxwaynuhu caafimaad qabo,sidoo kalena laga soo duubay madaxwayne Siilaanyo muuqaal uu ku sheegayo inuu caafimaad qabo.

Gabagabadiina madaxwayne Siilaanyo  ayaa la filayaa inuu maalinka barri ah hadii ilahay yidha dalka dib ugu soo laabto Caasimadda Hatgeysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY