Akhri: Nuxurka Warsaxaafadeed Dalladda Jileyaasha Aan Dawliga Ahayn Ee Sonsaf Kasoo Saartay Hanaanka Ay Socoto Kaadhqaybinta Codbixiyeyaasha

0
1134
Somaliland Non – State Actors Forum (SONSAF)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulan ay isugu yimaadeen, Madasha Ururada Bulshada Rayidka ah ee arrimaha Doorashooyinka, oo ah madal ay ku midoobeen 86 urur oo ka jira dhammaan Lixda Gobol ee Somaliland, oo ka dhacay Xarunta Guud ee SONSAF 11/07/2017, lagu na falanqeeyay habsami u socodka kaadh qaybinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

Waxa ka soo qaybgalayaashu si mug leh u qiimeeyeen hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee wakhtigan kaadh qaybintu socoto. Madashu waxay isla maalintaa la kulmeen masuuliyiinta Xisbiga UCID, iyaga oo dhagaystay cabasho ay ka muujiyeen hab dhaqanka labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI intii ay bilaabantay kaadh qaybinta Codbixiyaasha Doorashooyinku.

Hadaba, goob-joogayaasha Maxaliga ah ee Bulshada Rayidka ah ee sida dhow ula socda hawsha kaadh qaybinta ee Gobolada Maroodi jeex iyo Togdheer waxay diiwaan geliyeen dhacdooyin kala dambeeyay oo labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay si cad oo aan gabbasho lahayn ugu xad-gudbeen una jebiyeen Qodobada 3aad, 6aad iyo Qodobka 7aad Faqradihiisa 13aad iyo 14aad ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee wakhtiga Kaadh-qaybinta, kaas oo ay kala saxeexdeen Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku bishii, Afraad, 23 keedii, 2017.

Madasha Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka ee Somaliland waxay canbaaraynaysaa tallaabada ay ku jebiyeen Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha.

Madasha Bulshada Rayidka ee Arrimaha Doorashooyinku waxay ugu baaqaysaa Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI in ay joojiyaan ku xad-gudubka Xeerka Habdhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee muddada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan xayndaabka Xeerka.

Madashu waxay u soo jeedinaysaa Xisbiyada Qaranka, inay ka fogaadaan wax kasta oo u muuqan kara inuu ka hor  manayo xeerarka doorashooyinka iyo diiwaangalinta codbixiyayaasha gaar ahaana Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr, 37/2014, Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lr. 20/2001 ee wax- ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay 2017 iyo Xeer hoosaadka Habdhaqanka Xisbiyadda Siyaasadda ee Mudada Kaadh-Qaybinta Codbixiyaha.

Allah Baa Mahad Leh.

Madasha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Arrimaha Doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here