Doorka Barnaamijka Xisbiga WADDANI ee Xakamaynta Tahriibta:

0
1353
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI Maxamed Siddiiq Dhamme

Tahriibtu, waa aafooyinka qaran ee muddooyinkii danbe sida aadka ah inoo saameeyey, waxa maalin walba badaha iyo Saxaraha Liibiya ku dhinta dhallinteennii, xoogeennii, ubadkeennii iyo caruurteennii oo markii ay shaqo iyo daryeelidba ka waayeen dalka u boqoolay waddammo kale oo Ajnabi ah si u ay raadsadaan nolol kale.

Dhallinyarada Tahriibta, waa kuwii xoogga iyo aqoonyahanka u ahaa waddanka, waa kuwii la doonaayey in la daryeelo si ay xooggooda dihin ay uga faa’ideeyaan dalka bal se waxa awooddoodii ka faa’idaysanaya waddammo kale oo Ajnabi ah.

Waad qiyaasi kartaan waddan dadka intiisii xoogga ahayd ay ka tahriibayso cidda iskugu soo hadhaysa! Waxa iskugu soo hadhaya waa Aabbolyaal, Hooyooyin, Awoowyaal iyo Ayeeyooyin, aan awood badan u lahayn in ay soo saaraan khayraadka iyo wax-soo-saarka wadanka.

Tahriibku  maantu wuu  ka duwanyahay kii hore loo yaqaaney. Tirada dadka tahriibayaa wey ka badanyihiin kuwii hore,  kumanaan dhallinyara  aya tahriiba bil kasta. Dadka tahriibayaa waa wada dhallinyaro badankodu dusgiyada sare hadda ku jira  iyo qaar jaamacado dhameeyey. Aafadda tahriibtu waxay galaafatay dhallinyaro badan oo u tahriibay waddamada Yurub iyagoo nolol raadisa, waxa jirta rajo xumo iyo quus mustqabal oo u baahan qorshe iyo maare xukuumaddeed. Dhallinyarada tahriibta intooda badani waxay ka rajo dhigeen hirashada mustqabal habboon oo damaanad qaada noloshooda. Muddadi ay talada haysay Xukuumadda Kulmiye waxa uu gaadhay tahriibku heerkii ugu sareeyay abid dalkeena  Gurig Tahriibka maanta waxa uu leeyahay khatar aad u badan oo bad iyo saxaraa ayaa la marayaa.

Tahriibta dhallinyarada waxa sabab u ah shaqo la’aanta baahsan ee dalkeena ka jirta, qorshe la’aanta xukuumadda  Kulmiye, fursadzha shaqo ee kooban oo ku salaysan caddalad darro iyo eex, wacyigelin la’aanta laga gaabshay sidii loo yarayn lahaa tahriibta. Waxa maalin kasta aynu maqalnaa dhimashada dhallinyaro ku qarqoorantay  badda ama saxaraha Liibiya  ku le’tay oo ka tahriibay dalkeena, dhallinyarada nafahooda halaagayaan waxay xaq u leeyihiin in loo abuuro mustaqbal ay ku nagaadaan.

Xisbiga WADDANI wuxu tahriibta u arkaa dhibaato weyn oo qaranka la soo deristay, waxaanu siinayaa fiiro gaar ah sidii uu maaro ugu heli lahaa. Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxa kale oo ay tahriibta u aqoonsan tahay nooc ka mid ah ka-ganacsiga bini-aadamka. Keliya ma ah in ayu luminayno khayraadkeennii ugu qiima badanaa oo ah da’yartii weliba wax la baray ee waa masiibo qaranka ku habsatay oo caafimaadkiisa guud samayn xun ku leh. Maalin walba oo ina soo marta ama reero ayaa geeriyeysan oo lumiyey kuway jeclaayeen, ama qaar baa safar qasab ah ugu tallaabaya dalalka deriska ah si ay war uga helaan ehelkooda iyo carruurtooda tahriibtay. Qaar kale ayaa iyana la kacaa-kufaya in ay uruuriyaan madax- furashada uu soo dalbadayy “Ma-gafe”. Sidaa darteed, waxaynu nahay qaran ku jira diiqad joogta ah (nation in distress).

WADDANI wuxu tahriibta u arkaa dhibaato weyn oo qaranka la soo deristay, waxaanu siinayaa fiiro gaar ah sidii uu maaro ugu heli lahaa. Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxa kale oo ay tahriibta u aqoonsan tahay nooc ka mid ah ka-ganacsiga bini-aadamka. Keliya ma ah in ayu luminayno khayraadkeennii ugu qiima badanaa oo ah da’yartii weliba wax la baray ee waa masiibo qaranka ku habsatay oo caafimaadkiisa guud samayn xun ku leh. Maalin walba oo ina soo marta ama reero ayaa geeriyeysan oo lumiyey kuway jeclaayeen, ama qaar baa safar qasab ah ugu tallaabaya dalalka deriska ah si ay war uga helaan ehelkooda iyo carruurtooda tahriibtay. Qaar kale ayaa iyana la kacaa-kufaya in ay uruuriyaan madax- furashada uu soo dalbadayy “Ma-gafe”. Sidaa darteed, waxaynu nahay qaran ku jira diiqad joogta ah (nation in distress).

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  1. Samaynta wacyi-gelin ballaadhan oo dhallinyarada ah, waxa warbixinno laga uruurin doonaa dadkii tahriibey oo hubaashii dhex-galay badweynta dhaqammada shisheeye ee dhibaatooyinku ku habsadeen,
  2. Qaban-qaabada kulammo iyo shirar dhallinyaradu u gaar ah oo ay kaga doodaan aafada tahriibta: sababaha iyo sida loo maarayn karo, oo talao u soo jeediyaan dawladooda.
  3. Xoogga saaraysaa sidii ay deeqo waxbarasho ugu heli lahayd dhallinyarada Somaliland oo adduunka uga raadin lahayd.
  4. Ku dadaali doontaa in muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ku dhoofaan baasboorkooda oo uu noqdo mid ay kaga maarmaan halaagga tahriibta.
  5. Waxay dhiirigelinaysaa in ay dhallinyarada Somaliland adduunka ku dhexgalaan aqoon, dhaqaale iyo xirfadda ciyaaraha oo aanay tahriib miciinsan.
  6. Diyaarinta qorshayaal badbaado oo ka-hor-tag ah, weliba xilliyada dhallinyaradu ay u heellanaan karto tahriibka (early warning system),
  7. Dhismaha rajo iyada oo uu WADDANI ugu noqon doono tusaale isla markaana dhallinyarada lagu jihayn doono dhismaha qaranka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee bulshdada taas oo abuuri doonta dareen iyo tamar cusub oo is-beddel,
  8. Tallaabo ka qaadaysaa ciddii lagu helo ka faa’iidaysaga tahriibka iyada oo adeegsan doonta sharciga dalka iyo kuwa caalamiga ahba,
  9. Samaynta Komishan ka mas’uulah baadhidda denbiyada tahriibta bilaw ilaa dhammaad, si loo soo saaro siyaasad cad oo ku wajahan ka-hortagga denbiyadaas. Sidaasoo kale, waxa la samayn doonaa diiwaanka (database) lagu keydiyo dhammaan dadka la waayo. Waxaa iyana macluumaad buuxa laga uruurin doonaa cid kasta oo ku lug ku leh soo-xero-gelinta dadka tahriibaya, dadka baabuurta ku qaada, dadka guryaha lagu qariyo leh, dadka lacagta madax-furashada u kala qaada iyo cidda aakhirka denbigan ka faa’iidda ee dadka dhiiggooda ka ganacsata.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI

Maxamed Siddiiq Dhamme

Barnaamijka Xisbiga WADDANI

WADDANI 2017

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here