Nuxurka Waftigii Aanu Ku Tagnay Dalka Djibouti & Kulamaddii Aanu La Yeelanay Madaxweyne Geele & Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha + SAWIRRO

0
2738

Djibouti, (HargeisaPress) —Wafti ka koobnaa 6 Wasiir oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Sacad Cali Shire, kuwaas oo kala ahaa Wasiiradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Md. Cabdilaahi Faarax Habane, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Md. Cumar Shuceyb Maxamed, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Anniga oo wehelinayey ayaa ku tegnay toddobaadkii hore waddanka aanu jaarka nahay ee Jabuuti.

Safarka Waftiga oo ujeedadiisu ahayd habka iyo nidaamka loo sii xoojin lahaa loona dar-dar gelin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga wanaagsan ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, waxaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele uu Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay waftiga, taas oo kulankaas lagaga wada xaajooday xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dawladood.

Sidoo kale kulankii Madaxweyne Geele iyo Waftiga Somaliland ayaa lagaga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa dhinaca Nabad-gelyadda, Dhaqaalaha, Addeegga Bulshadda iyo duruufaha ku xeeran Gobolka ee ay ka mid yihiin Abaaruhu.

Dhanka kale, waxaanu kulan muhiim ahaa la qaadanay Anniga iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil, oo uu weheliyo Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland.

Masuuliyiintayaddan ayaa kulankan waxaa nagu weheliynayey Wasiiradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Md. Cabdilaahi Faarax Habane, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil iyo Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, waxaana ujeedada kulankani uu daarna Horu-marinta iyo sii xoojinta Cilaaqaadka dhanka Ciyaaraha ee labada dal.

Ugu horeyn, waxaa xafiiskiisa si milgo iyo maamuus leh noogu soo dhaweeyay Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay in la xoojiyo xidhiidhka iyo cilaaqaadka hour-marineed ee dhanka ciyaaraha iyo xidhiidhka wada shaqeynayd ee u dhaxeeya labada Wasaaradood ee ciyaaraha Jabuuti iyo Somaliland, sidoo kalena waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan wixii horumar ah ee dhanka ciyaaraha ee kaga xidhan dhanka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ugu horeyn uga mahad-celiyay Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti iyo Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland soo dhaweynta ay u fidiyeen. Wasiir Waaberi ayaa soo dhaweeyay hadalka Wasiirka Ciyaaraha Jabuuti iyo sida ay ka Wasaarad ahaan uga go’an tahay in la xoojiyo cilaaqaadka dhanka ciyaaraha ee labada dal, waxa uu isna dhankiisa sheegay inay ku dedaali doonaan adkeynta iyo iskaashiga dhanka hour-marinta ciyaaraha ee labada dal.

Ugu dambeyntii, Anniga oo halkaasi ka hadlay, waxa aan ka war-bixiyey xidhiidhka dhanka ciyaaraha ee u dhaxeeya labada dal iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaraddaha Ciyaaraha Somaliland iyo Jabuuti, sidoo kalena waxa aan kulankaas ka sheegay in Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil oo hore u ahaa Xoghayaha Guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti uu yahay masuul si dhab ah ay uga go’an tahay in cilaaqaadka dhanka ciyaaraha Somaliland ay noqdaan kuwo hour-mara.

Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil waxa uu safar ku iman doono caasimadda Hargeysa dhawaan, sidoo kalena waxa uu noo balan-qaaday wixii awoodooda ah ee qalabka ciyaaraha iyo in tababaro heer caalami ah ay siin doonaan xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland.

Gaba-gabaddii Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil ayaa hadyad sharafeed guddoonsiiyey Waftigayagii ka socday Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble.

Mahad-naq: Waxaan si milgo iyo maamuus leh ugu mahad-naqayaa Safiirka Somaliland ee waddanka Jabuuti, Xukuumadda Jabuuti iyo dhammaanba masuuliyiintii kale ee aanu la kulanay.

Maxamed Xuseen Dhabeeye

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland

LEAVE A REPLY