GORFEYNTA & FALANQEYNTA 1-DA LUULYO: Qalinkii Jamal A. Muse

0
1240
Jamal A. Muse

“Maalmihii midnimada, dharaarihii dheeliga, dhiilkii jabay, dhaawaca maanta iyo dhaqaaqa Somaliland”

1-da july waa maalin u baahan in laga diyaariyo darsi wayn oo lagu qiimaynayo hanaankii dhalashadeeda iyo gun-dhigii laga dheefay shar iyo khayr ba, waana dharaar ka miisaan badan dhaliil, ammaan, ku faan, qiiro, cabasho iyo canjareyn loo jeediyo. Waayo sida looga qaateenka iyo soojireenkii hore xusay waa maalin geyiga Somalidu degto ku reebtay mahadhooyin dawladnimo kakan iyo Sooyaal riban oo mararka qaarkood faan iyo isla wayni ku abuuray uunka Soomaaliyeed, marna wixii ka dhashay dad Soomaaliyeed baday xasuuq iyo hagardaamo baahsan.

Ugu horreyn, waxaa ka dhalatay midnimo jibbo iyo caadifad ku fadhiday oo an lahayn han dheer oo midnimada ka dib ilaalin karayay raandhiiska dawladnimada, taasi oo sanad dabadeed saluugeeda laga dheehday inqilaabkii fashilay ee ka dhacay dhinacii Somalilad iyo guuxii ka curtay dheeligii ku yimid saami-qaybsiga labada gobal.

Tusaale ahaan madaxwaynihii, raysal wasaarihii, guddoonkii baarlamaanka iyo tiradii ugu badneyd ee xubnaha aqalka baarlamaanka, golaha wasiirada iyo madaxdii ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed, waxaa la siiyay gobalkii Talyaanigu gumaysan jiray ee Somalia.

Si kasta oo ay wax u dhaceenba waxaa gaabis ahaa in la kala baxo amma midnimada lagu kala noqdo “Somalia iyo Somaliland”, waayo guud ahaan waxaa shidnaa dareen jibbeysan oo ahaa in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo wayn oo ka dhalata geyiga Soomaalida ee geeska Afrika “Pan Somalism”, arrintan oo bilawgiiba hurisay dagaal lala galo waddamada dariska gaar ahaan dalka Ethiopia.

1-da july waxaa ka dhashay dawlad musuq badan,balse dhanka hanaanka dimuqraadiyada kaalinta koowaad ka gashay qaramada Afrika, ka dibna waxaa curtay kacaan meel fog gaadhsiiyay cudduda iyo maqalka magaca dawladnimada Soomaalida, hadana hagardaamo iyo hoog badan ku riday isla shacabkiisii. Waxaa curtay halgan hubaysan oo lagu riday kacaankii 21 october, waxaana dib loogu noqday meel ka hoosaysa halkii la joogay 1960-kii, marka laga reebo Somaliland oo iyadu dib ula soo noqotay xornimadii ka luntay 1-dii july 1960-kii.

Midnimadii 1-dii july 1960-kii, waxay horseed ka ahayd lumida kalsoonidii reer Somaliland ku qabeen dawladnimo ka dhaxaysa ummada soomaaliyeed oo looga

taliyo Muqdisho, Djibouti na waxay noqotay dal gaar u taagan, halka labadii gobal ee kalena ay danahooda ka tashadeen oo ay maanta ka kala tirsan yihiin dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Waxay ku fiicnayd in ay ahaato maalinta xornimada koonfurta somalia oo labada gobal ay samaystaan maalin midnimo oo ku dhalata heshiis iyo dawladnimo hareeraha laga wada joogo, balse taasi waxaa dayacay siyaasiyiintii iyo hormoodkii reer Somaliland oo jibbo Soomaaliyeed xiligaa qaaday, halka walaalihii Somalia ay soo reebeen hanbo siyaasadeed. Run ahaantii 1-da july waxay ahayd maalin wajiyo badan oo jibbo, guul, horumar, guuldarro, dagaal, qabyaalad, xasuuq iyo xad gudubyo badan koobsatay, maantana waxay ku soo ururtay xarunta Villa Somalia.

Maanta iyo Somaliland hadaan ku soo noqdo, waxaa u yaala in ay daraasayso curiyeyaashi dhaliyay qaloocii, curyaamintii iyo guuldaraddii 1-dii july 1960-kii ee keenay burburkii iyo qaran-jabkii ku dhacay dawladdii midnimada jamuuriyaddii Soomaaliya “Somali republic”. Waxaa nasiib darro ah in ay maanta Somaliland ka muuqdaan astaamo u eg dheeligii saami qaybsi ee dhaliyay dhiidigii iyo wax iska dhicintii lagu riday wixii ka dhashay midnimadii hagaastay ee 1-da july.

Marna macquul ma aha in saami qaybsiga Somaliland ahaado mid dhinac u dheelisan oo madaxwaynaha, shirgudoonka baarlamaanka, maxkamada sare, madaxda xisbiyada siyaasadda, murrashaxiinta jagada madaxwayne, tirada ugu badan ee xubnaha aqalada baarlamaanka, golaha wasiirada iyo madaxda ciidamada ay ka yimaadaan meel kaliya.

Waxaa loo baahan yahay dheelitir deg deg-deg iyo in la abuuro Somaliland la wada leeyahay oo loo wada siman yahay. Tani waa khalad soo jiray 26 sanno laakiin aan loo baahnayn in uu sii jiro intaa in badan.

Hadii uu jiro qof ku faraxsan hanaanka saamiga dawladda Somaliland maanta u qaybsan yahay, isla markaana khalad u arkaya dheeligii saami-qaybsi ee dhacay 1-dii july 1960-kii, waa mid aan habeen jirin oo ku sifeysan cadawga koowaad ee Somaliland, waayo wuxuu ka horjeeda midnimada iyo qaran la wada leeyahay loona wada siman yahay wadaagga dawladdiisa in ay Somaliland yeelato.

Sidaa darteed waxaan u baahan nahay dhicibtirkadheeliga saamiga qaranka, raadka xun ee qabyaalada iyo sunnaha qabiilka ee ragaadiyay hanaan dawladnimo hufan oo hirgala. Xaqiiqdii waa lagama maarmaan in aynnu kor u qaadno xuska 26 iyo 18 May, lana qoro taariikhda cuddanayd ee dalkani lahaa dhawrkii qarnigii ee tagay.

 

Ugu danbeyntii waxaan hambalyo leeyahay walaalaha Somalia maalinta xornimada 1-da luulyo darteed, aniga oo dadkayga iyo dawladayda reer

Somaliland na ku waaninaya in ay darsi iyo duruus ka dhigtaan wixii ka dhacay midnimadii fudaydka ku dhisnayd ee 1-july 1960-kii, kala qoqobkii, xasuuqii iyo guuldarooyinkii ka danbeeyay, waxaan leeyahay casharadii idin soo maray ku saxa Foogada maanta ka muuqata hanaanka dawladnimada Somaliland. Yaan loo qaadan in qarannimada Somaliland tahay beed qof iyo laba jabin karaan ee aynnu u aragno go’aan ummadeed oo aan soo liici doonin, karti iyo kalsooni badanna huwan. Jamal A. Muse

dankaabo@hotmail.co.uk/hirdandheer@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here