Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre Oo ka mida Golaha Guurtida oo Caawa Ku Geerioodey Hargeysa

0
1482

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alleh ha u naxariistee waxaa caawa tobankii habeenimo ku geeriyooday cisbitalka weyn ee Hargeysa Marxuum Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre oo xaalad caafimaad baryahan u jiifay.

Ala Hawnaxariistee Marxuum Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre oo mudo dheer ka mid ahaa aqalka Odayaasha guurtida Somaliland ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa , sida u noo xaqiijiyay mid kamid ah ehelada Marxuumku.

Marxuum Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre oo ka mid ahaa xubno fara ku tiris ah oo ka hadhay odayaashii ugu mudada dheeraa golaha guurtida ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa bukaan.

Wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu Af-gaaban golaha, isagoo caan ku ahaa inuu mar walba wacdiyo golaha oo uu ka gaabsado doodaha siyaasadeed ee mararka qaar golaha ka abuura xaasaasiyada, isla markaana inta baddan fadhiyada golaha ku furi jiray aayadaha quraanka kariimka ah. Wuxuu ahaa adoon degan oo akhlaaq baddan, af-gaaban oo golaha wacdiyi jiray, waxaana illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo  sidaa waxa yidhi, Marxuum Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre.

Dhinaca kale Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay golaha guurtida, qoyskii uu ka baxay marxuumku iyo shacbiga Somaliland.

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland wuxu  Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii iyo Dhamaan Shacab-ka Reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo.

IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here