Masuuliyiinta Dalladda SONYO oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga iyo Xuska 26-ka June

0
1154
Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta ugu sareysa Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO gudoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Agaasime Cumar Cismaan Miigane waxa ay munaasibadda ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka. Hambalyo iyo Bogaadin balaadhan u dirayaan dhamaan umadda islaamka ah gaar ahaana dhalinyaradda iyo bulshadda reer Somaliland.

Masuuliyiinta Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda ciidul-fidriga, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu dirayaan dhalinyaradda Somaliland.

Ilaahay acmaashii bisha barakaysnayd ha inaga aqbalo sanadkan sanadkiisana ha inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo aamiiin aaamiin.

Dhinaca kale Madaxda Dalladda SONYO waxay shacabka Somaliland ku hambalyeyeen xuska 26-ka June ee sannad-guurada 57aad ee munaasibadda maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaa Illaahay uga baryeyaa in uu dhammaaba ummadda reer Somaliland uu sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, horumar iyo ictiraaf ay dunida ka hesho.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here