Magaalooyinka Hargeysa,Burco,Borama,Berbera, Ceerigaabo Iyo Laascaanood Oo Si Wayn Looga Tukaday Salaadii Ciidal Fidriga Iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo La Tukaday Shacabka Gobolada

0
1177

Burco, (HargeisaPress) —Waxa maanta bulshada caasimadda Hargeysa ay si wayn ugu dareereen soo tukashada salaadda Ciidal Fidriga oo maanta oo bishu tahay 25.6,2017  laga ciiday dhamaan dunida islaamka ah iyo meel kaste oo dad Islaam ahi joogaan.

Waxaana bulshada caasimada Hargeysa ee u dareeray oogista salaada Ciidal Fidriga ay ku tukadeen goobihii hore loogu tukan jirey salaadaha,waxaana bulshada caasimadda Hargeysa ay aad iskugu baxeen si ay u takadaan salaada garoonka kubada Cagta ee magaalada Hargeysa.

Bulshadii halkaasi iskugu soo baxday ayaa waxa wajiyadooda si wayn looga dheehanayey farxadda ay leedahay maalintan Ciiddu iyaga oo si niyad iyo qalbi ah dadku ay iskugu salaameyeen ereyo ay kamid yihiin “CIID MUBARAK iyo MACAL CIIDAYN iyo CIIDAL CAAFIYA”,waxaana bulshadaasi la tukaday salaada wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Caruurta iyo dhalinyarada ayaa waxa wajiyadooda laga dheehanayey farxad iyo rayn rayn iyaga oo damaashaadaya suuqayada waa wayn ee Caasimada Hargeysa.

Sidoo kalena shabakada wararka Ramaasnews oo khadka telefoonka kula xidhiidha dad ku  nool gobolada Togdheer,Saaxil,Sanaag,Sool iyo Awdal ayaa waxay noo sheegeen in maanta si wayn goboladaasi looga ciiday loona tukaday salaadii ciidal Fidriga bulshaduna ay iskugu soo baxday sidii ay usoo oogi lahayd salaadaasi ciidal Fidriga.

Waxaana naloo sheegay in bulshada goboladaasi ku dhaqan si wayn wajiyadooda looga dheehanayey farxad iyo rayn raynta ay leedahay maalinkani,sidoo kalena waxa bulshada goboladaasi la tukaday salaada wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Gabagabadiina dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa maanta si wayn looga ciiday munaasibada ciidal Fidriga.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here