Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Hambalyo U Direy Ciidamada Qaranka Somaliland Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed

0
1565

Hargeysa, (HargeisaPress) —Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Ciidamada Qaranka ee Difaaca Dalka Dalka Somaliland waxa uu Dhambaal Hambalyo ah udiray ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaanna Guud ahaanba Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku hambalyeynayo munaasibadda ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka.

Guud ahaanba Ciidamada Qaranka Somaliland meel kasta oo ay ka joogaan dalka Bari Galbeed Koonfur iyo Waqooyigaba Buur iyo banaan waxaanu ilaahay uga baryey in Munaasibada ciidul-fidriga ee kamid ah Ciidaha ugu waaweyn Dadka Muslimiinta ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani waxa uu Dhamaanba Ciidamada Qaranka ee Difaaca dalka Hooyo illaahay uga baryey in uu Ciidan Ciideeda ku gaadhsiiyo Bashbash iyo barwaaqo Caafimaad iyo Cimri dherer,isagoo ku lamaaneeyay xaasaskooda iyo caruurtoodaba in ay ku ciidaan farxad iyo raynrayn.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo dhambaalkan u mariyay guud ahaanba Warbaahinta Kala duwan ee Maxaliga ah iyo ta Dawlada Somaliland Ciidamada waxa uu illaahay uga baryey iyaga iyo xaasaskooda iyo caruurtoodaba in uu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo caafimaad iyo Cimri dherer.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here