Shuruudo Adag Oo Xulafada Sucuudigu Hor-dhigay Dawladda Qadar + SAWIRRO

0
1814

RIYADH, Saudi Arabia (HargeisaPress) — Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar u gudbiyey Liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajib tahay in ay fulisio, haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.

Sacuudi Carabiya, Masar, Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xidhto oo ay albaabada u laabto Telefiishanka Caanka ah ee Al-Jazeera.

Waxaa kale oo ay Qadar waydiisteen in ay yarayso cilaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xidho saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.

Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo inay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka. Qadar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.

Qatar Flag

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa Masuuliyiinta Dawladda Kuwait oo arrintan dhexdhexaadin ka wadda, ayaa shuruudaha lagu xidhay Qadar ayaa waxay kala yihiin:-

  • Inay xidhiidhka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
  • Inay si deg deg ah u xdho xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xidhiidhka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
  • Inay xidho telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xidhiidhka la leh.
  • Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee ay xidhiidhka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceydhiso. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar ayna faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
  • Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo haysta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
  • Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
  • Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
  • Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
  • Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
  • Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
  • Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha khaldan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
  • Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
  • Inay aqbasho baadhitaanno iyo dabagal joogta ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.
  • Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.

Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here