Khilaafkii Golaha Deegaanka Saylac Oo Wali Taagan Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Xubno Wasiiro Ah U Dirtay Saylac

0
1044

Saylac, (HargeisaPress) — Waxa wali taagan oo aan dhinacna loo ridin khilaafkii cuslaa ee ka dhex taagnaa golaha deegaanka degmada Saylac,taas oo sababtay in ay istaagto shaqadii golaha deegaanka Saylac isla markaana ay xaruntii dawlada Hoose ee Saylac-na ay la wareegaan ciidamo kala duwan.

Waxaana xukuumadda Somaliland ay magaalada Saylac u dirtay wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,kuwaas oo loo diray inay dajiyaan isla markaana xaliyaan khilaafka golaha deegaanka Saylac ka dhex qarxay ee sababay in la xidh-xidho dhawaan 10 xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Saylac.

Waxaana wasiiradan ay xukuumaddu u dirtay Saylac ay maalinkii labaad wadaan xal lagu dajinayo khilaafkan mudada badan soo jiitamayay,waxaana ay kulamo kala duwan la qaateen maamulka gobolka Salel iyo xildhibaanada golaha deegaanka oo laba garab u kala jabay isla markaana xildhibaanada golaha deegaanka Saylac kalfadhi ay iskugu yimaadeen cod aqbalabiyad ah ay xilkii kaga qaadeen maayarkii magaalada mid cusubna ay doorteen,waxaana labada dhinacba wasiiradani kala hadleen sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafkan inta aanu faraha ka baxin.

Wasiiradan Saylac loo direy ayaa waxay kala yihiin wasiirka Ciyaaraha Somaliland,wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta iyo wasiir ku xnigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka Somaliland,waxaana ay maalinkii labaad kulamo lagu lad qabanayo khilaafkan la yeesheen masuuliiyiinta gobolka iyo xildhibaanada khilaafka ka dhex taagan yahay.

Gabagabadiina khilaafkan sababay inay shaqadii dawlada Hoose ee Saylac ay hakad gasho ayaa waxa uu ka dhashay kaddib markii ay xildhibaanada golaha deegaanka Saylac kulan ay iskugu yimaadeen ay doorashado cusub ku sameeyeen isla markaana ay doorteen maayar iyo ku xigeen cusub,intaasi kadib ayaa xukuumadda Somaliland ay diiday go’aankaasi lagu doortay maamulka cusub waxaana ay amartay in maayarka cusub aanu xilka wareejin,kuwaas oo xildhibaanadii kalena ay iyagu diideen in uu xilka sii hayo maayarka ay xilka ka qaadeen,waxaana intaasi kadib ciidamada Booliska Saylac ay xabsiga ku gureen xildhibaanadii doorashada cusub sameeyey.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay sal dhigan doonto khilaafkan golaha deegaanka Saylac.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here