Safiirka Djibouti Ee Somaliland Oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Su’aalo Laga Waydiiyey Diyaarado Duqeeyay Deegaanno Gobolka Selel Ah

0
1148

Hargeysa , (HargeisaPress) — Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Xuseen Cumar Kawaleer, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Maanta Xafiiskiisa ku qabtay kaga hadlay Xuska 40 Guurada Madax-banaanida Jabuuti oo ku beegan 27-ka bishan Juun, waxaanu ugu baaqay Jaaliyadda Jabuuti ee ku dhaqan Somaliland inay ka soo qayb-galaan Xuskaasi oo lagu qabanayo Hargeysa.

Safiirku wuxuu sheegay in Sannadkan si weyn loo xusayo Afartan Guurada Xornimada Jabuuti, sidaa darteed loo baahan yahay in Jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland ku dhaqan ay ka soo qayb-galaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here