Xisbiga Kulmiye Oo Kulan La Xidhiidha Weerarkii Masaajidka London La Yeeshay Madax Uu Ka Mid Yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Labour-Ka

0
1687
Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee UK oo Kulan la Yeeshay Madax uu ka Mid Yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka

Hargeysa , (HargeisaPress) — Guddoomiyaha xisbal-xaamika Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti safiirro ka socda dawladda Ingiriiska shalay.

Weftigan waxa hoggaaminaysa Safiir-ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Safaaradda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mary Shockledge oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett oo ah sarkaal dhinaca siyaasadda u qaabilsan safaaradda UK ee Ethiopia oo socdaal ku yimi Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay kulanka ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeennadiisa koowaad iyo labaad – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, ayaa isbarasho dhexmartay madaxda xisbiga KULMIYE iyo safiir-ku-xigeenka cusub ee Ingiriiska Amb. Mary Shockledge kadib waxa labada dhinac kaga wadahadleen dhawr arrimood oo isugu jira wadashaqaynta safaaradda iyo Somaliland, xidhiidhka labada waddan, u diyaargarowga doorashooyinka iyo arrimo kale.

Madaxdu waxay falanqeeyeen arrimaha doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dalka ka dhacdo 13-ka November 2017, waxaanna Guddoomiye Muuse Biixi uu warbixin buuxda ka siiyey safiirka hawlaha u diyaagarowga doorashadu halkay marayaan iyo kaalinta ay kaga jiraan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo bixisay inta badan dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada, kuna wareejisay Komishanka Doorashooyinka, iyadoo waxa dhimana si degdeg ah loo dhammaystirayo, halka ay marayso hawsha bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha iyo waxyaabaha looga baahan dhinaca qaadhaan-bixiyayaasha.

Sidoo kale, hoggaanka KULMIYE waxay dublamaasiyiinta Ingiriiska uga xog-warrameen qaabka ay u socdaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo weftiga Ingiriisku aad u danaynayeen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka tacsiyadeeyey dawladda iyo shacabka dalka Ingiriiska dadkii wax ku noqday weerarradii argagixiso ee toddobaadyadii u dambeeyey ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalkaasi.

Geesta kale Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee UK ayaa  Kulan la Xidhiidha Weerarkii Masaajidka London la Yeeshay Madax uu ka Mid Yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka, sida xalay lagu baahiyey barta Facebook uu ku leeyahay xisbiga KULMIYE waaxdiisa warbaahintu  Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka UK Md. Xariir Xirsi iyo xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga, ayaa si ballaadhan uga hawlgalay weerarkii argagixiso ee nin cunsuri ahi uu baabuur jiidhsiiyey dad ka soo baxay masaajid ku yaal Waqooyiga magaalada London (Finsbury Park North London).

Guddoomiye Xariir oo degan, kana mid ah madaxda bulshada (Comnunity leader) ee xaafadda Finsbury Park ee weerarku ka dhacay, ayaa si wayn uga hawlgalay arrintan oo aannu ka fadhiisan ilaa markii ay bilaabantay mashaqadu.

Guddoomiyuhu waxa uu ka shaqeeyey dejinta dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda falku ka dhacay oo uu ku guubaabiyey in aanay wax falcelin ah ka samayn weerarka dhacay. Dadka Soomaalida ah ee ku dhaawacmay ayaa gaadhaya ilaa 8 qof oo uu ka mid yahay Xoghayaha xisbiga KULMIYE ee Laanta Waqooyiga London Mr. Cali Abokor Xirsi.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ku soo dhaweeyey xaafadda madax kala duwan oo waddanka UK ah oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka Jeremy Corbyn iyo Maayarka London Sidiq Khan.

Dhinaca kale, madaxda xisbiga KULMIYE ee UK, ayaa ku booqday cusbitaalka dhibbanayasha ku dhaawacmay shilkaasi argaxisinimo oo uu ka mid yahay Xoghayaha Laanta Waqooyiga London ee KULMIYE, iyaga oo Ilaahay uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaantood.

Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa dadka Soomaalida ah ee degan dalka Ingiriiska inay is dejiyaan, isla markaana taxadar dheeraad ah sameeyaan marka ay joogaan meelaha la isugu yimaado.

Hubaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here