Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha Botor ee Gabiley ka Cabto oo Xal laga Gaadhay & Maamulka oo ka hadlay

0
1262

Gabiley, (HargeisaPress) —Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha Botor oo ah Ceelasha ay Gabiley Biyuhu uga yimaaddaan, Khilaafkaas oo u dhexeeyey Maamulka Dawladda ee gobolkaas iyo Dad Shacab ah oo Deegaanka deggan oo qaarkood Shaqaale ka ahaayeen Ceelashaas, ayaa la soo afjaray.

Masuuliyiin Dawladda ka tirsan oo Maayerka degmada Gabiley ka mid yahay, Taliska qaybta Booliska gobolka Gabiley, Xildhibaanno golaha degaanka Gabiley ka mid ah, Salaaddiin, Cuqaal iyo Odayaasha Dhaqanka ee deegaankaas oo si laba dhinac ah uga hawlgalay, ayaa ka hadlay qaabka loo soo afjaray khilaafkaas, iyaga oo sheegay in laga bilaabo Maanta Maamulka Ceelashaas si rasmi ah loogu wareejiyey Xukuumadda.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here