Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa ka dhigay dhaxal suge

0
1068
Amiir Maxamed Bin Salmaan(bidix) wuxuu badalayaa Amiir Maxamed Bin Nayef(midig) oo lahaa dhaxalka boqortooyada

BEIRUT, Lebanon — Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddellay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

Ninkii dhaxalka Boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha gudaha.

Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa ra’iisul wasaare ku xigeen.Ninkii dhaxalka boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha gudaha.

Isbeddellada ayaa lagu shaaciyey dikereetooyin boqortooyo oo is xig-xigay.

Wakaaladda wararka ee dawladda Sacuudiga waxay sheegtay in boqorka uu ku baaqay in shacabku ay daacadnimo ugu muujiyaan amiirka cusub magaalada Makka fiidnimada Arbacada.

Amiir Maxamed bin Salmaan oo ah nin da’ yar ayaa jiilka yar waxay dalacsiintiisa u arki doonaan inay tahay astaan muujineysa inuu soo socdo isbedel.

Ka hor dallacsiintiisa wuxuu hormuud ka ahaa dagaalka Sucuddigu uu ka wado Yemen. Wuxuu sidoo kale hormuud ka ahaa isbadellada dhinaca dhaqaalaha ee boqortooyada.

Aabihii, boqor Salmaan oo 81 sano jir ah ayaa la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad aysan wanaagsanayn.

Boqor Salmaan ayaa xilka la wareegay sanaddii 2015 ka dib markii uu geeriyooday walaalkii Cabdullaahi bin Cabdul Cassiis.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here