Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii ay Wadagaleen Somaliland Iyo Khaatumo

0
1031
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)

Hargeysa , (HargeisaPress) — Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ku bogaadiyay heshiiskii Sabtidii toddobaadkan ay wadagaleen dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Xidhibaanku waxa kaloo uu soo dhaweeyay shirka la iclaamiyay in lagu qabto magaalada Burco 10-ka Bisha July ee fooda innagu soo haysa, waxaannu ku baaqay in shirkaasi maamulka gobolka, ka degmada iyo shacbiga reer Togdheer-ba ay u diyaargaroobaan martigelintiisa.

 

“Waxaan  madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku ammaanayaa heshiiska taariikhiga ah ee uu dawladdu ay la gashay maamulka Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh. Waxaan u arkaa in heshiiskani uu faa’iido u yahay midnimada Somaliland,”ayuu yidhi  Xildhibaanku, waxaannu intaas ku daray; “Waa Tallaabo wanaagsan oo dhinaca horumarinta iyo nabadgelyada dalka loo qaaday. Waxaanan soo dhaweynayaa shantii qoddob ee labada dhinac ay isla gaadheen. Waxa kaloo aan ammaan muddan guddiyadii wadahadalka labada dhinac oo runtii dedaal weyn sameeyay oo ahaa rag culus oo bisayl siyaasadeed leh.”

Xildhibaanku waxa uu  ugu baaqay reer Togdheer inay u diyaargaroobaan shirka lagu wado in Somaliland iyo Khaatumo ku yeeshaan  Burco bisha July, waxaannu yidhi; “Waxaan reer Togdheer ugu baaqayaa inay shirkan martigelintiisa dedaal badan geliyaan, maadaama shirkii lagaga dhawaaqay Somaliland lagu qabtay Burco. Shirkani wuxuu  sharaf u yahay sumcada gobolka oo dhan, waana in maamulka gobolka iyo degmadda Burco iyo shacbiga Togdheerba u diyaar garoobaan shirkaas.”

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY