Nuxurka Kulan Guddoomiyaha KULMIYE Xafiiskiisa Kula Yeeshay Wefti Safiirro Ingiriis ah + SAWIRRO

0
1127

Hargeysa (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbal-xaamika Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti safiirro ka socda dawladda Ingiriiska maanta.

Weftigan waxa hoggaaminaysa Safiir-ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Safaaradda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mary Shockledge oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett oo ah sarkaal dhinaca siyaasadda u qaabilsan safaaradda UK ee Ethiopia oo socdaal ku yimi Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay kulanka ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeennadiisa koowaad iyo labaad – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, ayaa isbarasho dhexmartay madaxda xisbiga KULMIYE iyo safiir-ku-xigeenka cusub ee Ingiriiska Amb. Mary Shockledge kadib waxa labada dhinac kaga wadahadleen dhawr arrimood oo isugu jira wadashaqaynta safaaradda iyo Somaliland, xidhiidhka labada waddan, u diyaargarowga doorashooyinka iyo arrimo kale.

Madaxdu waxay falanqeeyeen arrimaha doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dalka ka dhacdo 13-ka November 2017, waxaanna Guddoomiye Muuse Biixi uu warbixin buuxda ka siiyey safiirka hawlaha u diyaagarowga doorashadu halkay marayaan iyo kaalinta ay kaga jiraan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo bixisay inta badan dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada, kuna wareejisay Komishanka Doorashooyinka, iyadoo waxa dhimana si degdeg ah loo dhammaystirayo, halka ay marayso hawsha bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha iyo waxyaabaha looga baahan dhinaca qaadhaan-bixiyayaasha.

Sidoo kale, hoggaanka KULMIYE waxay dublamaasiyiinta Ingiriiska uga xog-warrameen qaabka ay u socdaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo weftiga Ingiriisku aad u danaynayeen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka tacsiyadeeyey dawladda iyo shacabka dalka Ingiriiska dadkii wax ku noqday weerarradii argagixiso ee toddobaadyadii u dambeeyey ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalkaasi.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY