Qayb Dekeda Berbera Kamid Ah Oo Gubaysa+Qiiqa Iyo Ololka Dabka Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Ciidamada Booliska Oo Diiday In Gudaha Loo Galo + SAWIRRO

0
1123
Qayb Dekeda Berbera Kamid Ah Oo Gubaysa+Qiiqa Iyo Ololka Dabka Oo Cirka Isku Shareeray

Berbera, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in dab ka kacay qayb kamid ah dekeda magaalada Berbera.

Qaybta uu dabku kacay ayaa ah qaybta loo yaqaano Barxada Wajaale ee la dhigo Koontiinarada waa wayn.

Dabkan ayaa la arkay uun markii saalada Maqrib laga soo baxay,waxaana xoguhu sheegeen in dabkan uu ka kacay Koontiidheer sumaysnaa oo aan loogu talo galin in uu saacado badan yaalo huurka iyo kulaylka awgii, waxaaa laba nin oo naloo sheegay inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dekeda ay fureen Koontiindherkii,halkaas uu dab ka kacay markii la furey Koontiidherka oo sumaysnaa.

waxaana dabkan ka kacay Koontiidherku uu sababay dhaawaca labadii  nin ee furey Koontiidherka,halkaas oo dhaawacooda lagula tacaalayo cusbitaalka magaalada Berbera

Ciidamada Booliska oo diiday in gudaha loo galo goobtan ololku ka baxayo ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabkaasi ka kacay Koontiidherka.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here