Ciidamo Tiro Badan Oo Caawa Lagu Soo Daadiyey Suuqyada Caasimada Hargeysa Iyo Amaanka Caasimadda Oo Aad Loo Adkeeyey+Maxaa Soo Kordhay

0
1343
Ciidamadan oo koox-koox u socda ayaa waxay gaaf wareegayaan suuqwaynaha magaalada Hargeysa

Hargeysa, (HargeisaPress) — Amaanka caasimada Hargeysa ayaa caawa si aada loo adkeeyey,waxaana suuqyada caasimada Hargeysa lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan oo Boolis ah kuwaas oo sugaya amaanka magaalada.

Ciidamadan oo koox-koox u socda ayaa waxay gaaf wareegayaan  suuqwaynaha magaalada Hargeysa oo ay iskugu soo baxeen boqolaal qof oo u diyaar garoobaya maalinta Ciidda isla markaana iibsanaay dharkii Ciidda,waxaana ciidamadan ay sidoo kale ay taagan yihiin caawa wadooyinka Caasimada Hargeysa iyaga oo baadhaya gaadiidka shacabka.

Ciidamadan gaafwareegaya wadooyinka caasimadda ayaa waxay qab-qabanayaan dhalinyarada xilliyadan oo kale suuqyada usoo baxa oo dhibaateeya dadka wax iibsanaya iyo waliba Tuugta booba dadka,waxaana ciidamadan la socda oo wahelinaya caawa saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland.

Sidoo kalena magaalada Burco ayaa wararka naga soo gaadhayaa waxay sheegayaan in sidan oo kale caawa loo adkeeyey amaanka magaalada isla markaana lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan oo sugaya nabagaliyada.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa iyagu mar kaste heegan culus oo hadh iyo habeen ah waxay ugu jiraan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadgaliyada shacabkooda,waxaana hawlgalkan caawa uu kamid noqonayaa halgalada ciidamada Boolisku ay sameeyaan wakhtiyada caynkan oo kale ah ee ay soo dhaw dahay maalinta Ciida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here