Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Ku Taageeray Go’aanka Ay Ku Raacday Xulufadda Sucuuddiga

0
1009

Hargaysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray mawqifkii ay Xukuumadda Somaliland ku taageertay Xulufaddii dalalka Khaliijka ee Xidhiidhka u jaray dalka Qadar, waxaannu sheegay in tallaabaddaasi ahayd mid ay Xukuumaddu dhanka wanaagsan u qaadday.

Guddoomiyaha Xisbiga ugu wayn Mucaaridka Somaliland Md Faysal Cali Waraabe oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargaysa, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku garab is taagay go’aanka ay  ku taageertay go’ddoominta ay dalalka Sucuudigu hoggaaminnaayo ku sameeyeen dalka Qatar.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu soo dhaweeyay Maalinta ay guddida doorashadda Somaliland u cayimeen qabsoomidda doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo ah 13 bisha November ee Sanadkan, iyaddoo uu Madaxweynuhunna soo saaray Wareegto uu ku dhaqan-gelinnaayo maalintaas loo asteeyay qabsoomida Doorashadda Madaxtinnimada dalka.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here