Dawladda Iiraan Oo Cunto Iyo Khudrad Hawada U Marisay Qadar Oo Ay Durba Go’doominta Khaliijku Saamaysay

0
1271
Iran is sending at least 100 tons of food supplies to Qatar by planes – one Boeing 747 and two Airbus cargo aircraft.

Tehran, (HargeisaPress/BBC) –  Dawladda Iiraan, ayaa dalka Qatar u dirtay Diyaarado sida Cunto, ka dib markii Xiisadda gedoominta ah ee ay Sucuudiga iyo Khaliijku ku soo rogeen Qadar ay saamaysay wax dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah ee Carabta.

Shirkadda Diyaaradaha Qaran ee Iran, ayaa sheegtay in shan Diyaaradood oo sida Cuntooyin iyo Khudaar ay u duuleen dalka Qatar. Illaa iyo hadda lama sheegin in Cuntadaasi ay tahay gargaar  ay Iran ugu deeqday iyo inay tahay Cunto ay Qadar ka iibsatay.

Dawladaha Sucuudiga, Baxrayn, Masar, Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Dubai, Liibiya iyo dalal kale oo gobolkaas ku yaalla, ayaa shaaciyey inay xidhiidhka u jareen Qadar, isla markaana ay xayireen isu-socodka Xuduudaha ay wadaagaan ee Dhulka, Badda iyo Cirkaba, ka dib markii ay ku eedeeyeen Dawladda Qadar in ay taageerto oo ay maalgeliso Ururrada Xag-jirka ah iyo kuwa Argaggixisada. Dalalka Deriska la ah Qatar, ayaa xannibaadaasi saaray, Iyagoo ku eedaynaya in ay taageerto Ururrada Jihaadiga ah, isla markaana ay Xidhiidh la leedahay Dawladda Iran oo ay Sucuudiga aad isu hayaan sannadihii u dambeeyey. Hase-yeeshee, Dawladda Qadar oo ka jawaabtay eedaymahaas, ayaa ku doodday inaanay ahayn kuwo xaqiiqo ku dhisan, sida Wasiirka arrimaha dibedda ee Qadar Warbaahinta ka sheegay.

Iran sending planeloads of food to Qatar daily

Maraykanka iyo Dawlado kale, ayaa taageeray go’aanka badi waddamada Carabtu ku gedoomisay ee ay xidhiidhka siyaasadeed iyo isu-socodkaba ugu jareen dalka yar ee Qaniga ku ah Gaaska ee Qadar, halka ay jiraan dalal kale oo iyaguna ku baaqay in dhex-dhexaadin iyo wadahadal lagu dhammeeyo Xaajada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Soomaaliya, Jarmalka, Faransiiska, Kuwayt iyo kuwo kale, halka ay Kuwait iyo Turkigu sheegeen inay si toos ah u dhex-dhexaadinayaan Qadar iyo Xulufada Carbeed ee xidhiidhka u jaray Qadar.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY