Dhacdadii Balidhiig iyo Hadalheynta Dadweynaha Burco ee Jawaabtii Shacbiga Degmada oo kor usoo qaadey Xiisada Siyaasadeed ee Gobolka Togdheer

0
1220
Muuqaalka Balidhiig

Balidhiig, (HargeisaPress) — Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa labadii habeen ee u dambeeyay xoog looga hadalhayey qabanqaabada shirka Balidhiig ee dhalinyarada Bariga Burco arintan,oo kulamada hordhaca u ahi ka socdeen Bariga Burco gaar ahaana Huteelka New Burco iyo nawaaxigiisa waxa dadweynaha soo jiitey dhacdadii shaley ka dhacdey Degmada Bali dhiig oo dadweynaha Degmadaasi ku muujiyeen talaabo ay kaga jawaabeen in aan awood lagu horjoogsan Karin Gudi dhalinyaro oo halkaa u gaadhey qabanqaabada iyo gogolxaadhka shir ay doonayaan in ay ku qabsadaan Degmada Bali dhiig si looga tashado aayaha iyo Mustaqbalka.

Inkastoo, aanu wakhtigan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaanta jirin shir hada lagu qabanayo Degmadaasi Baldhiig hadana waxa aad loo hadalhayey Burco dhacdadii habeen hore ka dhacey halkaasi gaar ahaana sida ay usoo dhaweeyeen Odoyaasha iyo waxgaradka Deegaankaasi Kooxdii dhalinyarada aheyd ee Gogol xaadhka shirka u tagey halkaasi,oo u sheegeen in ay  six or ah ugu qabsan doonaan Degmada Balidhiig shirka ay wadaan dhalinyarada Bariga Burco islamarkaana, ay kaga tashanayaan aayahooda iyo Mustaqablka dadkooda iyo Deegaanadooda intaba.

Waxaana xusid mudan abaabulkii arintan laga galey markii la ogaadey saacadihii u dambeeyay ee suxuur ku dhawaadkii oo ku beegneyd wakhtigii ay Magaalada Burco ka ambabaxeen Kooxda Gudida dhalinyarada qabanqaabada Shirkaasi Balidhiig in lagu qaban doono ku talaglkiisu ahaa waxaana sida la sheegay safarkooda gudbiyay mid kamid ah dadkii kusoo dhex dhuuntey,iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Ramaax loo sheegay xili suxuurtii ku beegneyd taas,oo sabab u aheyd in Ciidamo badan oo Booliska kamid ah la geeyo Degmada Balidhiig kuwaas oo qaarkoodna Burco ka baxeen badhkoodna laga qaadey Tuulooyinka hoos yimaada Maamulka Degmadaasi.

Wax kasta oo awood la isugu geeyay waxa u quus gooyay go,aanka shacabka Reer Bali dhiig ka qaateen talaabadan taas,oo sabab u aheyd soo dhaweyntii koxdaa dhalinyarada ahi kala kulmeen dadweynaha Reer Balidhiig waxa ku dhaawacmey mid kamid ah shacbiga Degmada Balidhiig kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo katirsan Booliska Degmada oo dadweynaha Degmdaasi ka diideen in laga horjoogsado Kooxda Gudida Dhalinyarada abaabulka Shirka Balidhiig ay ku qabsan doonaan dhawaan dhalinyarada Bariga Burco.

Muuse Yuusuf Raabi Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa isagu noqdey masuulkii ugu horeeyay ee hadal adag kaga jawaaba falka Ciidamada Boolisku ku damacsanaayeen in ay ku horjoogsadaan Kooxda dhalinyarada ee u kicitimay Degmada Balidhiig waxaanu bogga uu ku leeyahay bar kulanka Bulshada ee Facebook soo dhigay in aanu gu jirin ninka damacsan in uu ka horjoogsado dhalinyarada ka shiraya mustaqbalkooda iyo aayahooda Degmada Balidhiig,isagoo eedo kulul dusha ka saarey Xisbi xaakimka Kulmiye iyo Xukuumadaba waxaanu Muuse Raabi hoosta ka xariiqey in wakhtigan maanta la joogo Bulshadu ka kortey in shakhsiyaad loo xidhnaado wakhti aan qiyaas laheyn.

Dhinaca kale,Maalmihii u dambeeyay tan iyo xanuunada shuban biyoodka ahi ka jirey Gudaha Magaalada Burco kahor iyo kadiba waxa dhaqdhaqaaqa Siyaasada aad loo hadalhayey Guriweyn oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ka hilaaciyay agagaarka Palaza Huteel kaas oo siweyn usoo jiitay guud ahaanba dhalinyarada iyo qeybo badan oo kamid ah mujtamaca Bariga Burco iyadoo,ay dadku isbarbar dhigayeen sida uu xafiiskani shacbiyad badan yahey Xafiisyada Xisbi Xaakimka Kulmiye ku leeyahey Gobolka Togdheer.

 HargeisaPress News Desk — Hargeisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here