Wasiirka Madaxtooyada Oo Hargeysa Kulan Lagu lafagurayo Sixir-bararka iyo Abaaraha Uga Furay Xubno ka Socday Lix Jaamacadood oo Dalka ah + SAWIRRO

0
1379

“Aqoontu inta Aannu Hayno oo Kaliya maaha, Raganimaduna Inta Aannu Hayno Oo Kaliya Maaha, Waxaannu Kulankan U Qabanay in Aannu Aqoon iyo Tallo Idinka Helno.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta Hotel maansoor ka fulay kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Lix jaamacadood iyo xubno ka tirsan hawladeena Wasaaarado dawladda ka tirsan.

Kulankaasi oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaarada Madaxtooyada iyo Waxbarashada oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa lagu lafaguri doonaa Sixir bararka iyo abaaraha soo noqonaya, iyada oo ay lafa guri doonaan aqoonyahano iyo arday ka kala socda, Jaamacadaha Hargeysa, Burco, Camuud, Beder, Nugaal, iyo Sanaag.

Munaasibad kulankaasi lagu furay ayaa waxa ka qayb galay, Wasiirada Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Habane, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Beeraha Maxamed Aw Daahir, Wasiir ku xigeenka Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi, Wasiiru dawlaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan, iyo madax kale.

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo kulankaasi furitaankiisii khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “ Waxaan halkan ka bogaadinayaa masuuliyiinta jaamacadaha iyo Wasaarada waxbarashada ee isugu yimid kulankan, mar labaadka waxaan u mahad naqayaa ardayda iyo aqoonyahanada  fursadan helay ee inagala soo qayb qaatay kulankan aqoon is-waydaarsiga ah. Ujeedada u weyn ee aynu kulankan aynu u samaynay waxa weeye Jaamacadaha dalku waa meesha ay aqoonta ummaddu taalo, sidaa darteed waxaanu jecelaysanay bal inay ay Xukuumad ahaan nala wadaagaan duruufaha qarankan haysta qaybo ka mid ah wixii ay tallo ka biirin karaa, wixii ay barteen aqoontooda, haday cilmibaadhis ay hore u samaayeen ay jirto iyo haday aragti shaqi ah ku ah iyo dodo labada ku iman karto, in aynu arrimahaa wadaagno.”

Wasiir . Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey kulankaa waxaanu yidhi “ Kulankani waa is xogwaraysi iyo wadatashi, oo balaysin u noqon kara inaynu joogtayno, qaabab kala duwan u dhigno, balaadhino, waxbadana aynu ku kordhino, dibadda u soo saarno aqoonta jaamacadaha taala, Dawladdu waa hay’ada maamusha qarankan, umadda waxa lagu maamulaa siyaasad, golle ka fuul laguma maamulo, qorshayaashaasina aqoon ayey u bahan yihiin, qaran-waliba sida ay aqoontoosu u dhisan tahay ayuu u horumarka.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa gabgabadii ka hadlay najiitada kulankaasi ay ka filayaan waxaanu yidhi “ Aqoontu inta aannu hayno oo kaliya maaha, raganimaduna inta aannu hayno oo kaliya maaha, waxaanu kulankan u qabanay in aanu aqoon idinka helno, tallo idinka helno, in aynu tusaale ka dhigno inaynu wax isku biirn karno, oo halkaa ka sii kordhino, dulucda iyo ujeedada kulanku intaas ayey daaran tahay. Waxaan rajaynayaa inay wax badani ka soo baxaan kulankan jaamacadaha ee aqoon is waydaarsiga, mar labaadna waan diin mahad naqayaa.”

 

LEAVE A REPLY