“Qaadka & Xashiishaddu Waa Waxyaabaha La Doonayo In Mustaqbalka Dalkan Lagula Wareego…” Sheekh Aadan-Siiro

0
1057
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Khatarta uu leeyahay Carrabka Bani-aadamku haddaan la xakaymin oo aan ILAAHAY dartii looga digtoonaan faafinta Wararka aan Xaqiiqada ahayn ee Bulshada dhibaato u horseedi kara.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in dhibaatooyinka Somaliland ka jira ay ka mid yihiin in Dad ka mid ah kuwa Muxtarimka ah qaarkood ay isticmaalaan Dad Dano Siyaasadeed leh, kuwaasi oo Bulshada u gudbiya Wararka mustaqbalka keeni kara in Bulshadu kala qaybsanto.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Aafaadka Dalkeenna jira waxa ka mid ah Dad waaweyn oo dhowr iyo Toban ah, oo dadkeennii Muxtarimka ah ay Dad kale isticmaalaan, oo inta uu Warbaahinta isa soo taago uu wax Alaale iyo wixii uu doono iskaga hadlo, waana sababta aan Maanta (Khudbadda Jimcaha) uga sameeyay Aafaadka Carabka.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu Khudbaddiisa ku sheegay sida ay muhiimka u tahay in Shacabku aad u dhugtaan Khatarta ka iman karta Hadallada ay Warbaahinta mariyaan Dadka qaarkood, “Waa inaynu dhuganaa oo aynu aad ula soconaa hadallada Dadka qaarkood ku hadlayaan, iyaga maaha ee weliba ay Dad isticmaalayaan, iyagoo Istaraatiijiyad Siyaasiya ka leh, taasi oo keenaysa Mustaqbalka Goo’go (ku yimaadda) wixii yaraa ee aynu ku soo tacabnay, markaa waa inaynu hubsanno hadalka lagu hadlayo, Waayo? waa Arrin aad u adag inaad been ka sheegto Ummad dhan ama aad warka iswaydaariso, taasi oo keenaysa fitmo ah in Qabaa’iil isku dilaan ama Ummad dhan ay Gudahooda iska disho, arrintaana aad iyo aad buu Islaamku uga digay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “ILAAHAY wuxuu yidhi, ka fogaada MALAHA (Warka aan la hubin), ha is-basaasina ayaa la yidhi, inaad Qof Muslim ah Tuhun awgii u baadh-baadho Gurigiisa Shareecadu way diidday, Waayo? tuhunkaasi dhib-buu keenayaa.”

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbadda Sheekha Oo Muuqaal ah

Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha ku soo hadal qaaday “Rasuulku (CSW) wuxuu Tilmaamayaa in Carrabku yahay Aafaadka marka Qofku leexdo uu dhib badan ku gaadhsiinayo Ummadda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xaafadaha Hargeysa qaarkood lagu iibiyo Maandooriyaha loo yaqaanno XASHIISHADDA, sidaasi awgeed loo baahan yahay in laga digtoonaado, maaddaama oo ay Fasahaadinayso dhallinyarada aan shaqooyinka haysan, “Innamada Amniga ee Xaafaddu waxay sheegeen in Guri ku yaalla Xaafadda (Xawaadle) ay soo galeen Dad ku iibinaya Xashiishad Shan Boqol oo Shilin ah. Waar Ninka iibinaya Xashiishad Shan boqol oo Shilin ah wuxuu fasahaadinayaa Carruurteeda. Xashiishaddaasi dalka way ku soo badatay, kuwii Dalka ka masuulka ahaana Arrinkooda waynu ognahay.”

Waxa kale oo uu ka hadlay in Qaadka iyo Xashiishaddu ka mid yihiin Waxyaabaha la doonayo in Mustaqbalka lagula wareego Somaliland, “Waddamada Muslimiinta Marka la doonayo in Xooggaada lala dagaalamo waxyaabahaasi (Xashiishaddu) ka mid tahay ayaa loo isticmaalaa, Qaadkaa ka mid ah Sannadkii 8 boqol oo Milyan innaga baxayso, ee Sicir-bararkaa aad arkayso qaybta ka ah, Dawlad innagala hadashaana ma jirto, Aqoonyahanno Talo keenaana ma jiraan, inaynu isla baaba’no ayaa la doonayaa, waxaasina waa ka qayb waxyaabaha la doonayo in Dalkan lagula wareego. Haddaynaan Qaadkaa iska daynin waxaad arki doontaa Adigaa la hayste ah, oo Kuwa Dadka Gumaysta kuwa ugu liitaa ay Carruurtaa gumaysanayaan, waana Istaraatiijiyad ay la dhigay.”ayuu yidhi.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here