Afur wadareedka Dhalinyar reer somaliland ah oo ku nool dalka qatar ayaa Qadar lacag ah ku deeqay Jeelka Burco

0
775

Afur wadareedka Dhalinyar reer somaliland ah oo ku nool dalka qatar ayaa Qadar lacag ah ku deeqay Jeelka Burco

Doha Qatar-Hargeisapress aqoonyahan reer somaliland ah ayaa waxay maanta ku kulmeen kulan afur wadareed ah oo sanad walba ay qabsadaan si ay u xoojiyaan xidhiidhka ardaynimo oo guun ah oo waxkusoo wada barteen dalka hindiya waxaanay si quruxbadan isugu soo abaabuleen sidii ay dhibaatada dalkoodii taalana wax u qayb qahargeisapress

 

Dhalinyartani may kulmin reernimo balse waxaa kulmiyay garaadka iyo aqoonta ay si ay garab isugu siiyaan kuna xaliyaan dhibaatada shakhsi iyo mid guudba .

Waxay iska soo ururiyeen lacag dhan $2380 kuna deeqeen jeelka burco waxaanay ilaahay uga baryeen in cudurkaas ka dulqaado dadkaa maatida ah ee dhaqaalahooduna hooseeyo Amiiiin

Deeqdani maaha markii ugu horaysay ee ay dhalinyartani dadkooda kusoo deeqaan balse waxay marwalba ka qayb qaataan tabarucaadka dhakhtar dhimirka abaaraha iyo dhamaan bulshadooda dhibaatooyinka ku yimaada.

Ahmedyasin sh cumar ahmed

Cheif editor hargeisapress

 

LEAVE A REPLY