Akhriste ma Ogtahay in aanay Real Madrid Weligeed Ciyaar Rasmi ah ka Badin Liverpool

0
1460

HargeisaPress — Real Madrid, ayaa Arbacada u duulaysa Ingiriiska halkaasoo ay kula ciyaari doonto Liverpool kulan ka tirsan Champions League, iyadoo rabta inay markii u horraysay Liverpool ku garaacdo ciyaar rasmi ah.

Labada naadi waxay tartankan hore ugu wada kulmeen saddex ciyaarood waxana dhamaantood guulaysatay Liverpool. Ciyaartii u horraysay oo Final-ka European Cup-ka ahayd waxay dhex-martay 1981-kii, waxana gool ku badisay Liverpool.

levAkhriste ma Ogtahay in aanay Real Madrid Weligeed Ciyaar Rasmi ah ka Badin Liverpool

Waxa kaloo labada naadi isu dhaceen Champions League xilli-ciyaareedkii 2008/2009-kii, waxana kulankii hore ee Bernabeu lagu ciyaaray 1&0 ku badisay Liverpool, halka ciyaartii labaad ee Anfield ay markale 4&0 ku badisay.

Sidoo kale, Liverpool waxay kooxaha Spain kula ciyaartay Anfield 14 jeer, iyadoo afar jeer badisay, lixna barbar dhac gashay, isla markaana garoonkeeda afka ciida loogu daray afar ciyaarood.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY