Somaliland Iyo Ammuuraha Khaliijka: Maxaad Isla Gammaarin Ma Markii Hore Ayaad Dhex Ahayd?

0
1407
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Siyaasaddu waa miyir iyo madaxa oo shaqaynaya isaga oo wax darsaya, qunyar soconaya, taariikh boganaya oo dan guuraya. Marka laba waddan qaddiyad qarannimo isku hayaan, waa dabbiici waana laga ma maarmaan in ay siyaasadda si cakis ah ugu hirdamaan.

Sida Pakistan iyo India; qaddiyadda Kashmir, Iran iyo Sucuudiga; qaddiyadda gobolka, Ethiopia iyo Eritrea; qaddiyadda baadhame, iyo waliba China iyo Taiwan qaddiyadda madaxbannaanida, .

Hubaal Somaliland iyo Soomaaliya goor walba dan-guurista ammuuraha dibedda 99% waa ay ku kala gaddisnaanayaan, waayo danta qaddiyadda midnimada iyo madaxbannaanida ayaa midba gaar u seetaysay. Sidaa ayey Soomaaliya goor iyo ayaan Somaliland u suul-daaraysaa, uga soo horjeeddaa, oo ay dagaal joogta ah kula jirtaa.

Marka hawli sidaa tahay, ma in ay Somaliland khilaafto ayaa mise waa in ay is gammaariso wakhtiga fursaddu is keento?Cid wal oo igu la doodaysa, amma ka soo horjeeda in Somaliland ay la safato dhanka Sucuudiga iyo Imaaraadka, doodan ayaan indhahooda ku furi lahaa;-

Marka hore Somaliland ma dhex ayey ahayd? Saw Wasiirka Madaxtooyada Somaliland hore innoo gu ma uu sheegin in Somaliland dagaalka Yemen ay dhanka Sucuudiga iyo dalalka xulufada la ah ee Khaliijka ay raacsan tahay? Markaaba saw Iran kama aynaan hor iman, Russia garabka kuma aynaan dhufan xulufadeedii, oo China kama aynaan yaabin, waa adduunyadu sida ay u kala safan tahay eh? Nin qoyan oo biyo iska dhawraya iga dheh!

Haddii ay sidaa tahay, Soomaaliyana ay dhex istaagtay, maxaa ilaa iyo hadda Somaliland aamusiiyey? Mise waxa ay sugaysaa inta Soomaaliya ay warkeeda ka noqonnayso? Somaliland saw dalka Imaaraadka Carabta saldhig ciidan ma ay siinin? Haddii ay sidaa tahay saw ma cadda in ay dhinac tahay oo dagaalka Carbeed aaney sina uga dhex noqon karin?

Soomaaliya ayaa dhex istaagtay ee adna dhinac raac warkaygu ma aha keliya, waa se in aynnu Soomaaliya mar walba siyaasadda isku hayno oo iyaba ay boqolaal dabin innoo dhigayso. Waa in aynnu u muuqaneyno dal hadaf leh oo dantiisu waddo. Waa in aaney suura-gal ahayn in aad dhex noqoto, horena aad u caddaysay in aannad ahayn oo aad dhinac tahay.

Ugu danbeyn xag dhaqaale-tiirsi (economic dependency) iyo xag siyaasad-dhulleed (geopolitics) oo ah labada ammuurood ee ugu mihiimsan ee lagu go’aan qaato Somaliland waxa ay dantu ku kallifaysaa haddii ay qadhaadhaato in ay raacdo Sucuudiga iyo Imaaraadka. Waayo boqol jeer ayeynu u baahannahay. Fallaadhi gilgilasho kaaga ma go’do e, runta iyo waaqaca ayaa inna leh dhex ma noqon kartaan ee dhinac raaca. Soon Wanaagsan.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here