Mahadsanid Madaxweyne !

0
1648
Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Debada Amb. Kaysar Cabdilaahi

Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Xalay ii Magacaabay inaan noqdo Wasilr ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Debeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaan Madaxweynaha uga Mahadnaqayaa inuu Fursad mar kale ii siiyay inaan ka hawl galo Wasaarada Arrimaha Debeda oo aan hore uga soo shaqeeyay kana mid ahaa Danjirayaasheeda. Waxaan u gudan doonaa xilkayga sida ugu haboon, waxaanan uga soo dhalaali doonaa si fiican haddii uu Allah Raali ka noqdo.

Waxaan u Mahadnaqayaa dhamaan Shaqaalaha Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Wasiirka, Wasiiru-dawlaha iyo madaxda kale ee Wasaarada ee aanu soo wada shaqaynay, Waxaa Allah Mahadii ah in Mudada aan joogay Wasaaradaas aanu hawlo balaadhan qabanay oo ay ka mid yihiin dhamaystirka Qorshaha Labaad ee Qaranka Somaliland NDP2.

Waxaan ku dedaali doonaa inaan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shire iyo Madaxda Wasaaradaas aan kala shaqeeyo sii xoojinta Xidhiidhka Saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi ee inaga dhaxeeya Wadamada Yurub, Ameerika, Afrika iyo Xidhiidhka sii kobcaya ee Dunida Carabta aynu la leenahay, Waxaanan ku dedaali doonaa sidii Qarankeenu uu u gaadhi lahaa Yoolka uu higsanyo iyo ka midhoo-dhalinta Yididiilada iyo Himilada Shacbiga reer Somaliland oo ah in Qarankeenu uu noqdo Dal la Aqoonsando oo Horumar ku talaabsada, Nabadgelyana ku noolaada,

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here