Mujaahid Ooto Biixi Caalin Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
1178
Marxuum Ooto Biixi Caalin

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa maanta magaalada Hargeysa gaar ahaana cusbitaalka Adna Aadan ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaahid Ooto Biixi Caalin.

Mujaahid Ooto Biixi Caalin ayaa waxa mudooyinkii u danbeeyey ku xanuunsanayey magaalada Hargeysa isaga oo yaalay cusbitaalka Adna Aadan oo hadda ku geeriyooday.

Mujaahid Ooto ayaa ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee dib u xoreeyey Somaliland,waxaana uu sidoo kale kamid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Inaalilaahi Wa Inaa Ilahayti Raajicuun.

Bahda HargeisaPress .Waxay Tacsi Tiiraanyo Leh Udirayaan eheladii, qarabadii iyo shacabka reer Somaliland uu ka tegay Marxuum alle ha u naxariistee  mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo ku geeriyooday cisbitaalka Edna Aadan ee magaalada Hargeysa .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here