HargeisaPress oo raali gelin ka bixisay war qalad ah oo lagu daabacay.

0
1315
HargeisaPress oo raali galin bixinaysa

Hargeysa, (HargeisaPress) — Qoraalkan ayaa cinwaankiisu waxa uu ahaa (Xukuumadda Siilaanyo Oo Xabsiga u taxabatay Sheekhul Baladkii Hargeysa), xogta uu xambaarsanaa qoraalkan ayaa  aarkii aan baadhitaan ku sameynay waxaanu ku ogaanay inay ahayd mid xaqiiqda jirta aad uga fog, waxa uuna xambaarsanaa fikir Qof.

Qoraalka ayaa waxaa si qaldan kusoo daabacay shaqsi kamid ah howlwadeenada HargeisaPress, warkaasi oo laga soo xigtay Sheikh Mohamed Sheikh ibraahin waxaana sidaa awgeed mar labaad iyo mar sadexaadba akhristeyaasheena iyo dadka uu quseeyay qoraalkaba  kasiinaynaa RAALI GALIN BUUXDA, Maadaama qoraalkaas iyo xogta uu xambaarsanaaba ay gabi ahaantood ahaayeen mid been abuur ah.

Waxaan si gaar ah uga raali gelinaynaa Xukuumadda Somaliland gar ahaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, qoyska reer Sheekh Madar oo kala ah Xasan Sh.Ibrahim Sh.Yusuf ,Cabdilahi Sh.Ibrahim Sh.Yusuf.  Yusuf Sh. Ibrahim Sh.Yusuf iyo cid kasta oo warbixintaan ka hadlaysay.

Maxamed Sh.Ibrahim  Sh.Yusuf.  Khaliil Sh.Ibrahim  Ku Xidhan. Saldhiga Jigjiga Yar  Iyo New Hargeisa Cabdi Rahim Sh. Ibrahim. Oo Baxsadey   Ah Alaa Had  Police Ku Daba Jiraan ayaa waxaa loo xidhay arim ku saabsan guri dhaxal ah oo ay leeyihiin qoyska ee Sheekh Yuusuf Sheekh Madar .

Waxaanan talaabo ka qaadi doonaa cidii ka dambaysay in laga sheegay , qoyska reer Sheekh Madar.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY