Magaaladda Burco Oo Markii U Horaysay Taariikhda Yeelanaysa Suuq U Gaar ah Iibka Kalluunka

0
1492

Burco , (HargeisaPress) — Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer  ayaa markii u  horaysay  waxay yeelan doontaa    suuq weyn  ama sariibad   u gaar ah  iibka   iyo ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Kalluunka.

Guud   ahaanba  magaalooyinka gobolka Togdheer gaar ahaana magaaladda Burco  ayaanu  hore uga jirin  suuq u gaar ah ama lagu  iibiyo Kalluunka, iyadoo ay taasina ugu wacan tahay gobolkaasi oo caan ku ah xoolo dhaqashadda.

Hase yeeshee wasiirka wasaaradda kalluumaysiga  iyo khayraadka badaha Somaliland   ayaa  maanta   ka dhagax dhigay magaaladda Burco  suuq la sheegay in uu  gaar u  noqon doono    iibka   Kalluunka laga soo saarro   badaha Somaliland.

Suuqan loogu tallo galay in lagu iibiyo Kalluunka  waxaa   dhismihiisa hirgelinaysa   hay’adda caalamiga ah ee Far Fishing.

Waxaana madashii dhagax dhiga sariibadaasi cusub goob joog ka ahaa wasiirka Kalluumaysiga, badhasaabka gobolka Togdheer, maayarka Burco,  masuuliyiin ka socday hay’adda Far fishing iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha  Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed),  ayaa sheegay in  sababta  keentay in  magaalada Burco  laga sameeyo  suuq u gaar ah ka ganacsiga Kalluunka ay tahay  kadib markii la arkay in uu yaraaday hilibka xoolaha nool, abaaraha soo noq-noqday ee dalka ka dhacay   awgeed.

Sidaas darteed-na ay lagama maar-maan noqotay in  bulshadda la fahamsiiyo ama la barro cunista hilibka Kalluunka.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa  uu  yidhi  “Waxaanu   is-nidhi mar haddii  xoolihii dhammaadeen inta yar ee soo hadhay   ayaan la qalin maalin walba ee Kalluunka halagu beddelo.   Sababtoo  ah Kalluunku waa mid mar walba badda inoogu jira oo aan  innaga yaraanaynin”.

Badhasaabka  gobolka Togdheer  Maxamuud Cali Saleebaan  (Ramaax), oo hadal kooban ka jeediyay dhagax dhiga suuqan cusub ee loogu tallo galay iibka Kalluunka   ayaa tibaaxay faa’iidada  ku jirta mashruucani.

“Kalluunka  waa in aynu ka faa’iidaysano oo baranaa  cunidiisa, iibkiisa,  waayo waa nimco ILLAAHAY (SWT)   inoo xalaaleeyey” ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

Geesta  kale masuul u hadlay hay’adda caalamiga ah  ee Far Fishing  oo  hirgelinaysa mashruucan   ayaa balan qaaday in ay si deg-dega ah u bilaabayaan dhismaha suuqan  Kalluunka ee Magaalada Burco.  Waxaanu yidhi

“Waan ku faraxsanahay,  waana  in aan idiinka mahad celinayaa midnimadiina aad ku taageerteen mashruucan.  Mustaqbalka Burco waxay noqonaysaa suuq fiican oo Kalluunka ah,  maxaayeelay waa caasimada labaad ee Somaliland.

Waxaynu  u baahanahay   suuq wanaagsan,  waxaanan u dhisaynaa sida ugu dhakhsaha badan bisha  Ramadaan ka dib”.

Sidoo kale maayarka magaalada Burco, Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), oo hadal ka jeediyay  goobtii lagu dhagax dhigayay suuqaasi cusub   ayaa sheegay in Burco laga hirgelinayo   suuq ay dadku ka heli    doonaan iibka Kalluunka.

Waxaanu yidhi “Waxaan  dhagax dhigaynaa suuq loogu tallo galay in dadku ku shaqaystaan oo lagu iibiyo  Kalluunka,  mashruuca lagu dhagax dhigayo waxaa soo dabtay wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Baddaha. Waxaana  maalgelinaysa hay’adda Far Fishing dhakhsana waa loo bilaabi doonaa”.

Dhinaca kale    bulshada ku nool magaalada Burco ayaa inta badan ah  dad Hilib cun ah  oo  aan aqoon fiican u lahayn cunista iyo isticmaalka Kalluunka,  waxaana la sheegay in mudooyinkan danbe  huteeladda magaaladu  ay bilaabeen in ay iibiyeen hilibka  Kalluunka.

Kadib  markii ay dadku waayeen hilibka xoolihii ay  quudan jireen  oo yaraaday xiliyadda qaarkoodna laba waayo abaarta dalka ka  dhacday awgeed.

LEAVE A REPLY