Xisbiga KULMIYE oo ku Wareejiyey Wasaaradda Ciyaaraha Agab-ciyaareedka Tartannada Ramadaanta ee Gobollada Dalka + SAWIRRO

0
1737

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga KULMIYE, ayaa agab ciyaareed oo isugu jira kubado, koobab, billado iyo diraysyo loogu talogalay kooxaha kubadda cagta ee ka qaybgali doona tartamada bisha barakaysan ee Ramadaan lagu qaban doono dhammaan gobollada dalka ku wareejiyey Wsaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Agabkan ciyaareed ee xisbiga KULMIYE ugu deeqay kooxaha ku loollami doona tartannada Ciyaaraha ee Gobollada oo abaabulkeeda iyo isku dubaridkeeda ay lahaayeen Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, waxa uu agabkaasi ka kooban yahay 160 dirays oo ay xidhan doonaan 2,880 ciyaaryahan, 776 billadood, 78 koob iyo 100 kubadood.

Xaflad lagu kala wareegay agabkaas ciyaareed oo lagu qabtay xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE maanta waxa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo xisbiga ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, hoggaanka Garabka Dhallinyarada heer qaran, garabka haweenka, madaxda heer gobol ee xisbiga iyo madaxda Wasaaradda Ciyaaraha oo uu hormood u yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo wakiillo ka socday garoomada kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi iyo Xoghayaha ciyaaraha ee Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Mr. Galab Muumin Raage, ayaa faahfaahiyey ujeeddada xisbigu ka leeyahay qaybinta qalabka ciyaareed ee loogu talogalay dhallinyarada reer Somaliland, waxaanay isku raaceen in xisbiga KULMIYE mar walba xil gaar ah iska saaro sidii da’yarta dalka loo dhiirrigelin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo isagu madasha kula wareegay qalabka ciyaaraha ee loogu talogalay garoomada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa da’yarta kula dardaarmay inay akhlaaq wanaag iyo dhawrsanaan badan muujiyaan waqtiga ciyaaruhu socdaan.

wakiillo ka kala socday garoomada ku kala yaal degmooyinka caasimadda Hargeysa oo xafladda ku sugnaa oo ay ka mid ahaayeen Haybe Goob oo ka socday degmada Axmed-dhagax, Cabdifataax Cabdirashiid oo ka wakiil ah Maxamuud Haybe, Cabdirisaaq Maxamed Raage oo matalayey degmada Axmed Macallin Haaruun, Maxamed Maxamuud Xasan oo afka degmada 26-ka June ku hadlay, Ridwaan Cali Muuse oo wakiil ka ahaa degmada Gacan-libaax iyo Liibaan Maxamed Cismaan oo isaguna ku hadlayey afka guddiyada garoomada caasimadda Hargeysa ku hadlay, ayaa si weyn uga mahadceliyey xisbiga KULMIYE taakuladan ballaadhan ee uu ugu talogalay dhallinyarada, waxaanay tilmaameen inay dhallinyaro ahaan soo celin doonaan abaalka uu xisbiga KULMIYE gashaday iyo danaynta dhinaca da’yarta ah ee uu muujiyey.

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ka tirsan saraakiisha xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka heer qaran ee KULMIYE Marwo Dalays Shire Faarax, ayaa caddeeyey inay xisbi ahaan si weyn taageero dhinac walba ah ula garab taaganyihiin dhallinyarada reer Somaliland, isla markaana ay si gaar ah diirrada u saarayaan sidii kuwa ku hawlan mihnadda ciyaaraha loo dhiirrigelin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo qalabkaasi ka guddoomay madaxda xisbiga, ayaa uga mahadnaqay xisbiga KULMIYE deeqda uu dhallinyarada reer Somaliland u hibeeyey, waxaannu ballanqaaday inay wasaarad ahaan gaadhsiin doonaan deegaannada iyo garoomada loo qoondeeyey.

Wasiir Waaberi waxa uu sheegay inay dhallinyaradu laf-dhabar u tahay bulshada, waxaannu yidhi, “Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waana dadka ugu habboon ee wax loo qabto, KULMIYE-na wuu u dadaalay dhallinyarada oo dhan buu diyaar u yahay.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo hadalka soo xidhay, ayaa caddeeyey sida hagar la’aanta ah ee uu xisbiga KULMIYE dhallinyarada dalka u garab taaganyahay, waxaannu kala dardaarmay inay ka fogaadaan rabshadaha waxyeelaynaya habsami-u-socodka tartannada, “Agabkan uu xisbiga KULMIYE idinku wareejiyey maanta ugu dambayn mayso, ugumanay horrayn oo hore waanu ugu wareejinay dhallinyarada gobollada dalka, maantana gobollada oo dhan waanu tagaynaa waanu ku wareejin doonaa, idinkuna ciyaaraha aad ciyaaraysaan qasku uma wanaagsan, walaalo ayaa tihiine waxa habboon inaad ciyaar qurux badan muujisaan,” ayuu yidhi Md. Axmed Cabdi.

Ugu dambayn, waxa hoggaanka xisbigu agabkaas ciyaareed ku wareejiyey Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isaguna wakiillada garoomada caasimadda Hargeysa ee goobta ku sugnaa ku wareejiyey agabkii ay saamiga u heleen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here