Guddigii Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay Kasoo Kabashada Abaarta Oo Shaaciyey Qadarka Lacaga Ee Ay Hayaan Ilaa Hadda + SAWIRRO

0
1619

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddigii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” u saaray taakuleynta dadka abaartu caydheeyeen ee loogu magac daray kasoo kabashada Abaaraha ayaa kulan ay maanta iskugu yimaadeen qasriga madaxtooyada Somaliland waxay shaaca ka qaadeen xadiga lacagta ah ee ay hadda gacanta ku hayaan isla markaana ay ururiyeen intii kasoo wareegtay 18 May.

Waxaana ay guddiga markii uu usoo dhamaaday shirkii ay kulahaayeen qasriga madaxtooyada waxay saxaafada iyo Bulshada reer Somaliland usoo bandhigeen xadiga lacagta ah ee ay hayaan ee ay kassoo ururiyeen muwaadiniinta reer Somaliland,waxaana lacagta ay soo bandhigeen ay dhamayd 3,281,940.55 oo doolar. ( Saddex Malyan Laba boqol Iyo Kow iyo Sideetan Sagaal Boqol iyo Afartan Doller ).

Waxaana ay guddigan sidoo kale ugu baaqeen bulshada reer Somaliland,ganacsatada ,qurba jooga iyo cid kaste oo gacan dhaanta dadka tabaalaysan inay soo kaalmeeyeen si bay yidhaahdeen ay dadkani uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen abaartii ku dabada dheeraatay.

Sidoo kalena guddigan waxay sheegeen in wali ay socoto qaadhaan ururintii laga bilaabay gudaha dalka,iyaga bulshadana ugu baaqay inay ka qayb qaataan qofkastena uu ku taro dadkaasi tabaalaysan waxii uu awoodo.

LEAVE A REPLY