Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Gaadhay Dalka Finland Iyo Ujeedada Socdaalkooda

0
1075

Helsinki, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta laanta Finlnad ee xisbiga KULMIYE iyo qaybo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee dalkaasi, ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyey wefti ka socda xukuumadda Somaliland xisbal-xaakimka KULMIYE oo ku guda jira socdaal ay dabbaaldegyadii xuska maalinta qaranimada ee 18-ka May kagala qaybgalayeen qurba-joogta dalalka qaaradda Yurub.

https://youtu.be/CvWgPYeZW2I

Weftigan oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka Md. Cabdisalaan Maxamed Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Abdeeq iyo Xildhibaan Ismaaciil Cagayare oo ka tirsan Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa, waxa markii ay gaadheen dalka Finland si wayn u qaabilay madaxda kala duwan ee Laanta xisbiga KULMIYE ee waddankaasi iyo taageerayaal ka mid ah muwaadiniin qurba-joogta ee halkaasi ku dhaqan oo sitay calamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka xisbiga KULMIYE.

hALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA 

LEAVE A REPLY