Aniga Oo ah Xildhibaan Mubaarik Bidhi Waxan Fasiraya Taariikh Guuna Oo Magaaladda Burco Gooni Uleedahay 18 May Iyo Muhiimada 27 Ugu Fadhido Shacabka Somaliland Gaar ahaan Reer Burco;

0
1406
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi)

Burco, (HargeisaPress) —Aniga oo ah Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka mid ah golaha deegaanka degmada burco Waxan sharaxaad dheer ka bixinaya qiimaha ay qaranka ugu fadhido 18 may sidoo kale waxan fasiraya taarikh gooniya oo magaalada burco gaar uleeday taas oo ku tilmaamay 27ka May

Aniga Oo Xildhiban Mubariga Waxaan Booqosho ku tagnay Goobtii Taarikhiga Ahayd Lagaga Dhawaaqay Calanka Jamhuuriyada Somaliland Oo Ku Fadhida Qiimo Wayn Goobtan Oo Ku Taala Magaalada Burco Waana Halkii Lagaga Dhawaaqay Markii Xoriyada La La Soo Noqday Waa Maalin Ahayd 18may Sanadkii 1991 kii.Waxaa ka mid ahaa wefti suxufiyina oo kala ahaa Suxufi Khaliil Barre Awran oo ah Suxifiga dubay Dhukmatry qiimo badan gurigi taarikhiga Burco 18 May lagaga dhawaaqay iyo Suxufiyinta kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan (Fantastik) Siciid Salebaan Nuur iyo Cabdiwasac Khuum.

Maalinta Calanka La Suudhay Goobtan Waa Maalin Aan La Ilaawi Karin Waa Maalmaha Aynu Xusno Waa Maalmaha Ugu Wayn oo Maanta ku began .Sanadkii 1991Kii Bishii May 18 Ayaa Lagu shiray Guriga .

Shirkii Lagaga Tashanaayey Aayaha Iyo Mustaqbalka Somaliland Iyo Qaranimadeeni Sida Khaldan Inooga Baxday Waxaa Halkan Isugu yimi Maalinta Dad Tiro Badan Waxaana Dalka Gacanta Ku Hayey Uruurkii Dhaqdhaqaaqa Somaliland Ee SNM Oo Ahaa Uruurkii Xoriyadeena Soo Celiyey Ee Dalka Gacanta Ku Qabtay

Waynu Ogayn Tiirada Ay Ahaayen Uruurkii SNM Iyo Marxalada Markaa La Soo Kulantay Oo Ahayd Marxalad Aad Iyo Aad U Adag Oo U Baahan Go,aan Qaadashadeena

Waadtad Ogayden In Ay Go,aan Qaaten Halkii Laga Filaayey In Ay Waxa Ay Hayaan In Ay Dhibaan 27may Oo Ay Leedahay Burco In Soo Galeen Uruurkii Snm Magaalada Burco Oo Ay Gacanta Ku Qabteen 1988 27may Sidoo Kalena Waxay Maalmihi Ka Danbeyey Ay Wada Qabsadan Dalka Oo Dhan

Dalka Markii La Soo Galay Waa Hal Maalin Xusiduna Waa Hal Maalin Waa 27may Ayaa Ah Maalintii Dalka Gacanta Lagu Qabtay Caynaba Waa La Galay Hargeisa Waa La Galay .Cadaadley Waa La Galay Berbera Waa La Galay Marka Meel Aan La Gelin May Jirin

Laakin Maalinta In La Xuso U Bahan Ee Dalka Oo Dhan Lagu Xuso U Bahan Waa 27may Waa Maalinta Burco La Soo Galay Dalka Markii La Qabtay Ee Mudo La Hayey 1991Kii 18may Ayaa Shirkii Ugu Horeeyey Halkan Lagu Qabtay Uruurka Snm Iyaga Oo Awoodi Haya Ayey Badka Soo Dhigeen Wixi Laga Rabay

Waxaana Markaa Goobtan Isugu Yimi Dadka Reer Somaliland Ee Gobolada Ama Daafaha Somaliland Waxaana Goob Joog Ka Ahaa Meeshan Garadadi .Suldaanadi. Cuqaashi ,Waxgaradkii Aqoonyahankii ,Iyo Siyaasiyinta iyo Ururki SNM oo hogaaminayay Shirka.

Aniga Oo ah Xildhibaan Mubaarig Yusuf Cilmi (Bidhi) Waxaan Ahaa Shakhsigii Suudhay Caalamka Jamhuuriyada Somaliland Sanadkii 1988 27MAY Ayaa Ka Waramay Taarikhda Wayn Iyo Halganki Loo Soo Maray Xoriyada Somaliland Manta Ku Fadhida

““Waxaan Ahaa Ninkii Calankii SNM Saaray Saldhiga Dheexe Burco 27 May 1988 Inta an ka Soo Dejiyey Kii Booliska Qof Walba Taarikhda Waxbu Ku Lahaa Markaa Waxaan Ahaa Dhalinyaradii Maalinta Jimcaha Racday Markaa Waxaa Leeyahay Ha La Ilaaliyo Taarikhda Uruurkii Snm

Sidoo Kale Waxaan Ugu Baaqaya Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Somaliya U Haqab Taagaya Ugu Baaqay In Ay Ilaashadan Taarikhda Wadanka Somaliland Iyo Ururki Snm ‘

Waxaan Ku Soo Gabagabaynayaa Inbadan Ayaa La Arkay Dhalinyaradii Ka Danbaysa 1991 Kii Oo Face Book Soo Dhigaaya Farmaajo Iyo Calanka Somaliya Waxay U Bahan Yihin Dhalinyaradasi In Loo SHeego Taarikhda Wadanka Iyo Uruurki SNM.

Waxaan Dhamaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Guda iyo Dibadba jooga U Dirayaa Hambalyo Farxadeed, Hambalyaddaas Oo Ah 26aad Guuradii Ka Soo Wareegtay Gooni Isu Taaga Jamuuriyada Somaliland, Waxaan Leeyahay Hambalyo Ku Ciida Nabad Iyo Caano, Sanadkan Sanadkiisana Bash Bash Baqwaaqo, Horumar, Iyo Ixtiraaf, Alle Hanagu Gaadhsiiyo.

Waxaan sido kale Dhamaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland U Dirayaa Meel Kasta Oo Ay Joogaan Hambalyo ku sabsan 27 May 1988 oo Todaba Casho inaga xigan oo ah Maalinti Dalkan SNM soo gashay .

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi)

Golaha Degaanka Degmada Burco ee Gobolka Togdheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here