Chelsea oo Markii Shanaad ku guulaysatay Koobka Premier Leaque-ga + SAWIRRO

0
2041
Wing backs Marcos Alonso and Victor Moses (top) reformed their reputations this season

HargeisaPress —Kooxda kubbada cagta Chelsea ayaa ku guulaystay koobka horyaalka Premier leaque-ga kadib markii xili danbe 1:0 ku soo garaacday kooxda West Brom, waxaana xusid mudan in  Chelsea waqti dheer ku qaadatay goolka sida rasmiga ah ugu gacan galiyay hanashada koobka Premier Leaque-ga.

Markii la gaadhay daqiiqadii 82 aad ayeey kooxda Chelsea u suurgashay in ay jabiso niyada kooxda West Brom iyo taageerayaasheedana kaddib markii Michy Batshuayi gool Chelsea u horseeday ciyaarta kula wareegtay waxaana shaqada iyo caawinta goolkan lahaa César Azpilicueta waxayna ciyaarta noqotay 1:0 ay Chlesea ugu danbayn hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Hasse ahaatee dhinaca kale marka la eego kooxda West Brom ayaa iska caabin layaab leh kala hortimid kooxda doonaysa in ay koobka Premier Leaque-ga ku soo guulaysto ee Chelsea, taasoo cayaarta ka dhigtay mid xiiso badan oo soo jiidatay dhamaaba indhaha daawadayaasha.

Laakiin ugu danbeyntii cayaarta ayaa ku so dhamaatay 1:0 ay Chelsea xili danbe guul kaga soo gaadhay West Brom si ay ugu guulaysto koobka Premier Leaque-ga isla markaana ay si rasmi ah ugu soo gabagabayso sheekadii tartanka Premier leaque-ga ee xili ciyaareedka 2016/17.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY